Shirkadda Shidaalka Ee HASS Oo Beenisay Warar Dacaayad Ah Oo Laga Faafiyay

0
651

 

shdialHargeysa (Geeska)-Shirkadda caanka ah ee HASS Petroleum ayaa beenisay warar suuqyada la so geliyay oo sheegayay inay shirkadoodu dalka keentay shidaal wasakhaysan oo dhaawacyo gaadhsiiyay mishiinada iyo baabuurta dalka qaarkood.

 

Guddoomiyaha Shirkada Shiidaalka ee HASS Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed, ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo dacaayad ah.

Waxanu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Shirkadda HASS Petroleum waxay ku xidhan oo ay doojin u tahay in ka badan Saddex boqol oo milyan oo qof oo ku kala nool dhamaan bariga Afrika,  waxananu haamo shidaal ku leenahay Magaaladda shaariqa ee Imaaraadka Carabta,  Kaydkaasna waxa looga raraa wadamada ay shirkaddani ku xidhantahay, markaa ma soo galo shidaal aan nadiif ahayn oo aan lagu soo baadhin meelo caadi ah oo waddamada adduunka, Waxaana soo baadha shidaalka shirkadda Haas Petroleum shirrkad la yidhaahdo SGS oo ah mid caalami ah oo Aduunka oo dhan ka baadha shidaalka, waxaana maamusha haamahaas Dawladda Imaaraadka oo Gacanta ku haysa, mana soo galo haamaha shidaalka ee shirkaddan shidaal aan ka iman shirkada weyn ee Imaaraadka”

Guddoomiyaha Shirkadda Shiidaalka ee HASS ayaa dhinaca kale carabka ku dhuftay in shirkaddo lagaga adkaaday suuqyada xorta ah ee Somaliland ay bilaabeen in ay dacaayadeeyeen shiidaalka Nadiifta ah ee shirkadoodu dalka keento, waxaanu yidhi “Waxa jira shirkado markii ay tartami kari waayeen bilaamay inay sameeyaan dacaayad oo ay suuqa geliyaan  warar aan jirin oo aan xaqiiqo ahayn, Shirkadda HASS waxa weeyaan shirkad  wayn oo caalami ah kamana suurta gasho inay shidaal aan sax  ahayn dalka keento, waayo waxanu nahay shirkad ganacsi oo doonaysa inay sumcad ku gacansato, dalkanina waa dal yar oo soo koraya una baahan inuu ganacsigiisu ahaado mid xor ah, laakiin waxaad moodaa inay hadana jiraan sifo aan xor ahayn, waxa jira warar la baahiyey oo lagu qoray  warbaahinta qaar, kaas oo lagu magac dhabay shirkadda Haas oo la yidhi waxay shirkadaasi ka war wareegaysaa inay sheegto Cidii shidaalka wasakhaysan dalka keentay oo ay ogtahay, waxaan idiin sheegayaa inaanay arintaas waxba ka jirin oo ay shirkadani aanay war u haynin cidii shidaalkaas keentay, shirkaddana kama suura galayso inay shidaal wasakhaysan Dalka keento”

Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu  xusay in ay xukuumadda Somaliland ku wareejiyeen uguna deeqeen mishiin qiimahiisu qaali yahay laguna baadhayo shiidaalka oo dhan, waxaanu yidhi “Shirkadda  HASS waxay samaysay inay Xukuumadda ugu deeqdo Mishiin lagu baadhayo tayada shidaalka dalka soo gelaya, kaas oo ay ku baxayso Lacag dhan ilaa laba Boqol iyo Konton Kun oo Dollar, waxanu arintaas guddoonsiinay Wasaaradda Ganacsiga iyo Hay’adda Dhawrista Tayada, inta uu imanayana, markii horena Shirkadda Hass ayaa soo jedisay in la baadho shidaalka dalka soo gelya oo marka ugu horaysa laga bilaabo Markabkayaga, si aanay dalka u soo gelin Shidaal aan fiicnayn.”