Xil. Siciid Cilmi Rooble Oo Xukuumada Ku Dhaliilay Qaabkii Ay U Fasaxday Hubkii Iyo Markabkii

0
487

Picture3Hageysa(Geeska):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa xukuumada ku dhaliilay qaabkii ay u maamushay hubkii iyo markabkii dhawaan lagu qabtay dekada magaalada Barbera, waxaana uu tilmaamay in xukuumadu qaabka ay u fasaxday Markabkaas iyo hubkii uu sidayba aanu ahayn qaab dawladnimo, isaga oo carabka ku dhuftay in Markabkaas iyo Hubka uu sidayba ay fasaxi karto oo qudha qaraar ka soo baxay Maxkamada balse nidaamka loo fasaxay uu ahaaba uu yidhi nidaamkii boqortooyada iyo sida oo kale budh cad badeeda oo kale.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu magaalada Hargeysa ku siiyey Talefeeshanka Horn Cable, waxaana uu tibaaxay in qaabka ay xukuumadu uga hawl gashay Markabka iyo Hubkii uu sidayba ay ahayd mid hoos u dhac ku keeni karta dawladnimada Somaliland. 
"Way dhacaan wax kasta oo aduunka waa ay ka dhacaan, Maraakiib hub sidaa waa ay soo gashaa meelaha dakedaha dalalka kala duwan, oo ama kootar baan ha ahaato ama yaanay ahaanee, waxa ay doonto ha noqoto, hase yeeshee qaabkii ay xukuumadeenu arrintaasi uga hawl gashay may ahayn qaab dawlad nimo, waxaa ay se ahayd qaab runtii hoos u dhac ah oo aan anigu qabo in ay ku keentay qaranimadii dawlad nimadii Somaliland. Waxaa la yaableh markii hore waxaa la yidhi waa la soo dajiyey, qaraarka waxa gaadhay madaxtooyada, ha la soo dajiyo, oo ha la'la wareego, waxaa ku xigtay dib ha loo celiyo, waynu sii daynayee, Waxaad mooda dhaqankii boqortooyada ama budh cad badeeda, dalkana boqor ayaa haysta dee mar haday sidaa tahay oo boqor ayuunba kaligii amar bixiya, budh cad badeedun sidaas oo kale marka wax la qabto waa la heshiiya deetana waa la sii daaya, marka waxoodii la siiyo. Laakiin se dhaqanka dawladnimo waxaa uu ahaa gabi ahaanba markii uu bahalkaasi yimi cida sii daynaysa ama xukumaysaa ee ama ganaaxaysaa in ay maxkamada noqoto ayey ahayd aduunyaduna taas ayey ku qanci lahayd, Madaxweyne ayaa waraaq soo diray madaxweynahiina waa uu sii daayey dee caalamka ma shaqayso."Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaa uu sida oo kale ka hadlay awaamiirta ad adage ee muddooyinkii danbe ay xukuumadu ku soo rogtay, waxaana uu tilmaamay in xukuumadu ay markii hore ku fashilantay in dhalinyartaas meelo kala duwan ay u jihayso, hadana ay ku fashilantahay nidaamka xabada iyo dagaalka ah ee ay u adeegsanaysaa aanu ahayn xalkii ugu haboona ee wax laga’ga qaban lahaa rabshadaha ay abuurayaan dhalinyartaasi.
"Markii ay xukuumadii ku fashilantay in dhalinyaradii iyo ardaydii Jaamacadaha ka soo baxaayey iyo kuwii dugsiga sare ka soo baxaayey, markay ku fashilantay in ay jihayso oo ay ama shaqo ku jihayso ama barnaamijyo kale ay ku jihayso ama garoomo u samayso ama ay madadaalo u samayso ilayn wadanka iyada dawlad u ahoo ka masuul ahee oo nolosha ubadka iyada ayaa ka masuul ahee, markay ku fashilantay, markay dhalinyaradii deetana ay badii u soo baxeen, hadana waxaa ay ku sii fashilantay xalka oo Tikniko ayey galisay oo dagaal ayey ku qaaday ay xabad la dhacayso, taasina waxyaalaha la yaabka leh weeye, xabadina wax ayuunbay sii kharibtaa ee waxba ma sii xagaajiso, waxaan leeyahay xukuumadu ha ka tanaasusho xabadan ay inamada la dhacayso, ha ka tanaasusho xabadan ay la dhacayso dhalinyarada mustaqbalka, xal ama maskax ha ku fakerto oo talo tan dhaanta ha la timaado.”Ayuu yidhi Md:Siciid Cilmi Rooble.