Telesom Oo Casho Sharaf U Samaysay Hoggaanka SOLJA

0
517

Picture2Hargeisa(Waaheen)-Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa waxaa caawa (xalay fiidkii) ka dhacday munaasabad ay Shirkadda Telesom u qabatay soo dhoweynta Hogaanka cusub ee dhowaan loo doortay Ururka Suxufiyiinta S/Land ee SOLJA.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyinta Ururka Solja, Xubnaha Guddiga Fulinta, Weriyayaal kale oo waayo arag ah, madaxda waaxda xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda telesom, saraakiisha daladda isku xidhka ururada bulshada rayidka ah ee SONSAF, dhiinka kuliyadda xallinta Khilaafaadka ee jaamacadda hargaysa iyo marti sharaf kale waxaa hadal furitaan ah ka jeediyey madaxa waaxda xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda telesom Md Maxamed cabdi Garbo oo sheegay in shirkadda Telesom soo dhoweynayso hogaanka cusub ee ay doorteen saxaafadda Somaliland waxana uu yidhi: ‘ annagu shirkad ahaan waxaanu soo dhoweynaynaa hogaanka cusub ee ay saxaafadda dalku sida wadajirka ah u doorteen, waxana aanu u aragnaa ahmiyad weyn in aanu halkan ugu qabano kulan soo dhoweyn ah maadaama aanu isku shaqo nahay oo wadashaqayn naga dhexayso”

Md Cabdiraxmaan oo isna ka mid ah saraakiisha waaxda xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Telesom ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey waxa uu soo dhoweeyey qaabka ay isu maamulaan suxufiiyiinta dalku, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay leeyihiin shaqo wadaag oo ay shaqooyin isu dhow dhow hayaan waxana hadaladiisii ka mid ahaa sidan: ‘Shirkadda Telesom waxay diyaar idiinla tahay inay idinka taageerto horumarinta saxaafadda iyo suxufiyiinta waxana aan ku dhawaaqayaa in aanu diyaarinay taageero aanu ugu talo galnay Ururka Suxufiyiinta taas oo aanu kaga jawaabayno codsi dhankiina nagaga yimid, anaga oo ka caawin doona dhinacyada Qalabka xafiisyada, furitaanka xarun Libarary oo Suxufiyiintu ku shaqaystaan, iyo weliba in aanu dhinac istaagno saxaafadda si ay uga faa’iidaystaan Tiknoolajiyadda casriga ah ee is bedelaysa maalinba ta xigta, intaas oo aanu u raacin doono baadhitaano xog ururin ah oo ay Shirkaddu samayn doonto si loo helo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee saxaafadda iyo suxufiyiinta iyo hanaanka loo dabooli karo baahiyahaasi.

Proff Aadan Xaaji cali Gudoomiyaha Xallinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargaysa & Md Mustafe Sacad Gudoomiyaha Daladda SONSAF oo hadalo kooban ka jeediyey munaasabadaasi waxay si isku mid ah u sharaxeen caqabadaha hor taagan saxaafadda, baahiyaha haysta, kaalinta ay Kombanay-ada waaweyn ka qaadan karaan horumarinta saxaafadda iyo doorka ay jaamacadaha dalka iyo ururada bulshada rayidka ahi ku yeelan karaan horumar noocaas ah oo saxaafaddu gaadho.

Suxufiga Caalamiga ah ee Yoonis Cali Nuur oo munaasabada lagu casuumay waxa uu si qotto dheer uga hadlay shaqada ay ururada caalamiga ah ee saxaafdeed qabtaan gaar ahaan Dawladaha horumaray iyo sida ururadaa laftoodu ugu tiirsan yihiin ee aanay uga maarmi karin Shirkadaha ganacsi ee waaweyn, halka sidoo kalena uu Yoonis Cali Nuur ka hadlay saamaynta ay tiknoolajiyadda caalamiga ahi ku yeelatay hanaankii baahineed ee aasaasiga ahaa gaar ahaan waxa loo yaqaan social media-ha, waxana uu soo jeediyey in saxaafadda Somaliland weli u baahan tahay in laga dhiso dhinacyada ujeedooyinkeeda iyo faa’iidadii ay bulshada ugu fadhiday, waxana uu tusaale u soo qaatay sida ay saxaafaddu wax weyn uga tari karto wacyigelinta caafimaad ee bulshada loo gudbin karo taasoo xal u noqon karta 70% ka hortagga cudurada ay dadweynaheenu la tabaalaysan yihiin.

Munaasabadaasi waxaa kaloo ka hadlay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xuseen Aadan Yuusuf (Xuseen Kurdi) oo ku bogaadiyey shirkadda telesom kulanka soo dhoweynta ah ee ay u qabatay Hogaanka cusub ee Suxufiyiinta Somaliland, waxana Xoghayahu tibaaxay kaalinta ay shirkadda Telesom ugu jirto wadanka iyo doorka ay ka qaadan karto horumarinta saxaafadda, isagoo u soo jeeiyey shirkaddu inay il gaar ah ku eegto suxufiyiinta ka hawlgala Gobolada iyo degmooyinka ka baxsan caasimadda oo ay duruufo adag ka haystaan dhanka isgaadhsiinta iyo dabka laydh tiriiga, isagoo sidoo kalena faahfaahiyey hanaanka cusub ee diiwaangelinta suxufiyiinta Reer Somaliland.

Munaasabada oo sidoo kale ay hadalo ka jeediyeen Saynab Maxamed cabdi oo ka mid ah xubnaha gudiga sare ee Ururka Solja iyo saraakiil kale oo ka socday dhanka shirkadda Telesom waxa soo gebagebeeyey Gudoomiyaha Ururka Solja Md Maxamuud Cabdi jaamac Xuuto oo faahfaahiyey halka ay ilaa hadda wax marinayaan hogaan ahaan, qorshayaasha ay damacsan yihiin iyo weliba sida wax loola qaban karo, waxana uu kulankaa ku bogaadiyey in Shirkadda Telesom oo gacan ka gaysatay shirweynahii lagu doortay hogaanka Solja ay caawana ku casuunto munaasabad soo dhoweyn ah oo ay ku muujinayso sida ay diyaarka ugu tahay inay wax la qabato saxaafadda iyo suxufiyiinta Dalkan JSL, waxana uu carrab baabay inay jiraan waxyaabo u baahan inay shirkadaha isgaadhsiinta iyo saxaafadda dalku ka wada hadlaan oo meel la isla dhigo.

Si kastaba ha ahaatee kulanka oo u muuqday mid ujeedooyinkii is xogwaraysi iyo iskaashi ee laga lahaa ka soo baxeen ayaa waxa la aaminsan yahay in uu fure u noqon doono kulamo kale oo ay hogaanka saxaafadda Somaliland la yeeshaan Shirkadaha iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay ee wadanka ka dhisan.