Xisbiga UCID Oo Hargeysa Ku Soo Dhaweeyay Xuseen Bisad

0
504

Picture4Hargeysa(Geeska)-Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Ee Dalka UK Xuseen Bisad  ahna Ninka Somaliland ugu dheer, kana mid ah dadka Adduunka ugu dhaadheer, ayaa Madaxwaeynaha ugu baaqay kuna booriyey Doorashadu inay dhacdo wakhtigii loogu tallo galay. 

Xuseen Bisad oo muddo Saddex Sanno ah oo uu dalka ka maqnaa Shalay ku soo laabtay, isla markaana qaar ka mid ah Masuuliyiinta XIsbiga UCID oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Bulshada C/raxman Axmed Cali . Xoghayaha Arrimaha Gudaha C/qani Ibraahim Salaf . Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse C/laaahi . Xoghayaah Xuquuqul Insaanka Xuseen Badmaax ay soo dhaweeyeen, ayaa isaga oo halkaas hadal kooban ka yidhi hadalkiisi ku bilaabay  “Waxa mahad leh ILLAAHAY SWT, mar labaad Shacabka reer Somaliland iyo Madaxda Xisbiga UCID ee halkan igu soo dhaweeysay, waxa aan dalka ka maqnaa Saddex Sanno, waxaana igu dambaysay maalmihii aynu dooranay Golaha Deegaanka Somaliland, waxa aan u imid hawalha xisbiga iyo Doorashada la filayo inay dhacdo 26-june, iyo in aan qabsadoo hawlo ii gaar ah oo shaqsiyan ah.

Madaxweynaha waxa aan ku boorinaynaa inay Doorashadu wakhtigeedii dhacdo, xilligii uu yidhi ha dhacdo ee 26-june, markaas Madaxweyna waa inay dhacdaa, waxaana ILLAAHAY  ka baryayaa inay Doorashadu xor iyo xalaali inoo dhacdo, oo si nabad ah inoogu dhammaado,”.

Dhianca kale waxa iyana halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Masuuliyiintii soo dhaweeyey, oo sheegay inay aad ugu farassan yihiin inuu dalka ku soo laabto Xuseen Bisad oo ah Masuul ka tirsan Xisbiga