Xikmado Siyaasadda Dunida Laga Yidhi (3)

0
4348

1Hargeysa (Geeska)- Waa Qaybtii Saddexaad ee Qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo gudbinayey qaar ka mid ah xikmadaha iyo hal-ku-dhegyada kala duwan oo ay siyaasadda ka yidhaahdeen dad magac ku lahaa dunida oo ay ka mid yihiin siyaasiyiintii caan ka noqotay dunidu:

– Ummad kasta oo dunida ku dhaqani waxa ay heshaa xukuumad iyada u qalanta. (Winston Churchill: Raysalwasaare hore oo Ingiriis ahaa)

– Ma garanayo Waxa uu ahaan jiray awoowgay, laakiin aniga ta’ aad ii khusaysaa waa in aan garto waxa uu noqon doono wiilka uu awoowga u yahay. (Awoowgaa waxa uu ahaa kuma khusayso ee hawsha ku taallaa waa in aad ka fikirtu adigu waxa aad noqon doonto. Abraham Lincoln Madaxweyne hore oo Maraykan ah)

– Qofka xorta ahi xornimada kuma faano, waayo arrin iska dabiici ah ayaa uu u yaqaannaa (Maxamed Radyaan, sugaanyahan iyo saxafi Carbeed)

– Qofku ma’aha waxa uu is moodayo, balse waa waxa uu ku fikirayo. (Max Hachrison)

– Kaama rumaysanayo ey baa hadlay, laakiin si sahal ah ayaa aan u rumaysan haddaad ii sheegto in nin sida eyga u ciyey. (George Bernard Shaw: Sugaanyahan hal-abuur ah oo u dhashay Ireland)

– Dastuurku waa in uu noqdaa mid kooban oo madow badani ku jiro fahamkiisa (Napoleon Bonaparte)

– Xukuumad waxaa ugu wanaagsan ta ay ku yar yihiin dadka bilaa faa’idada ahi. (Voltaire)

– Khatart weyn baa ay tahay in xukuumadda oo qaldan aad adigu saxnaato (George Bernard Shaw)

– Ruux aan waxba garanayn, oo haddana is moodaya in uu wax badan yaqaanno, mihnadda ku habbooni waa siyaasadda. (Hal-ku-dheg Faransiis ah)

– Ku dadaal in marka aad xilka ka degeyso ay dadku kuu jeclaadaan sida ay kuu jeclaayeen markii aad timid (Socrates)

– Saaxiibbada siyaasaddu waxa ay ku colloobaan madaxnimada (Axmed Shawqi)

– Ayaan badnida madaxdu waa in dadku aanay fikirayn (Adolf Hitler)