Daaweynta Nafsiga Ah Iyo Muslimiinta: Taariikhdii Ibnu Siina iyo Dabiibkii Bukaankii Saca Is Mooday

0
767

1Hargeysa (Geeska)- Caafimaadka nafsiga ahi waxa uu dunida maanta ka yahay xaaladaha ugu badan ee loogu cabasho badan yahay. Taariikh fog ayaanay Saynisyahannadii kala duwanaa ee dunida soo maray bilaabeen in ay baadhaan xaaladaha khalkhal ee maskaxda u dhaca, calaamadaha lagu garto iyo daweynteeda. Haddaba ragga taariikhda fog ku leh aqoonta aadka u badan ee illaa maanta aan wax lagu beddesho la helin ku lahaa waxaa ka mid ah saynisyahankii weynaa ee Ibnu Siinaa oo taariikhda reer galbeedka qoraalladii kala dambeeyey ee magaciisu isbedellada galay awgeed aakhirkii loo yaqaanno magaca ah Avicenna.

Abu Cali Al-xusayn Bin Cabdillaahi Bin Al-xasan bin Cali Bin Siinaa oo ahaa caalim iyo dhakhtar muslim ah oo cilmiga caafimaadka wax badan ku soo kordhiyey, waxa uu isir ka soo jeedaa kuna dhashay magaalada Bukhaara (Buxoro) oo imika ka mid ah dalka dalka Uzbekistan sannadkii 980 Dhalashadii Ciise kadib, oo noqonaysa qiyaas ah saddex qarni kadib dhimishadii Nebi Muxammed (SCW), waa aanu sannadkii 1037kii ku dhintay kuna aasan yahay magaalada Hamdaan ee imika dalka Iiraan ka midka ah.

Ibnu Siinaa oo ka mid ahaa haldoorkii calanka u siday saynisyahannadii, qoraagii iyo mufakiriintii xilliga ay taariikhdu u aqoonsatay casrigii dahabiga ahaa ee Islaamku, waxa uu qoray in ka badan 450 qoraal cilmi oo ay ka badbaadeen 240 ka mid ah, kuwaas oo 150 ka mid ahi ay cilmiga Falsafadda ahaayeen 40 kalana cilmiga  caafimaadka. Taariihda reer galbeedku waxa ay ku tilmaamtaa amiirkii dhakhaatiirta iyo aabihii caafimaadka casriga ah ee qarniyadii dhexe, xaaladaha caafimaad ee sida gaarka ah ugu abtirsadana waxaa ka mid ahaa in la aqoonsan yahay Ibnu Siinaa in uu ahaa saynisyahankii ugu horreeyey ee ogaaday sababaha Jooniska keena iyo saynisyahankii ugu horreeyey ee cilmiga caafimaadka ku soo dara calaamadaha lagu garan karo dhagaa kaadi haysta ku samaysma, sidoo kale waxa uu wax badan ku soo kordhiyey garashada iyo dabiibista xanuunnada nafsiga ah.

Daweyntii ninka saca is mooday:

Qisadan xiisaha badan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera ayaa waxa ay sheegaysaa in beri beryaha ka mid ah uu nin bukaan ahi aaminay uun inuu sac yahay, si aan kala joogsi lahayn ayaa uu qoyskiisa uga codsan jiray in ay gawracaan, cuntadii dadku cunayeen ayaa uu diiday, qoyskii oo ka xun masiibadan ayaa ninkan ka diiday dalabkiisan, ninkii waa uu bukooday oo uu aad u sii liitay, qaylo iyo cabaad aanu kala goynaynaku daalay naftiisa iyo qoyskiiba,  aakhirkii qoyskii waxa ay go’aansadeen in ninkan loo geeyo Ibnu Siinaa bal si uu u dabiibo.

Ibnu Siinaa oo caan ahaa waxa uu qoyskii u sheegay in ay uga horreeyaan ninka bukaanka ah oo ay u sheegaan in uu Ibnu Siinaa soo socdo oo uu gawracayo si loogu fuliyo codsigiisa, markii warkii si fiican loogu sheegay ninkii bukaanka ahaa ayaa cabbaar kadib waxaa yimid Ibnu Siinaa oo u muuqda nin u soo diyaar garoobay gawraca bukaankan, isla markii uu soo galayba qoyskii ayaa uu ka dalbaday in ninkan bukaanka ah gacmaha iyo lugaha laga xidhxidho, kadibna dhulka ayaa uu wadhay isaga oo isu dhigaya in uu gawracayo.

Markii Ibnu Siinaa oo dareenkiisa qofka arkaa aaminayo in ay ka dhab tahay gawracistu uu isu diyaariyey in uu bukaanka bireeyo ayaa mar keliya muruqyadii ninka bukaanka ahi ay wada gariireen, kadib inta uu soo eegay xubnihii qoyskiisa ee goobta joogay ayaa uu isaga oo cabaadaya ka codsaday bal in maalmo dib loo dhigo gawraca saca, maadama uu daciif aad ah yahay.

Ibnu Siinaa’ ayaa laga baryey in uu codsigaas saca aqbalo oo maalmo la yar nafaqeeyo sugo, si cunto badan loo siiyo codsigaas oo uu Ibnu Siinaa aqbalay. Ninkii cunto badan ayaa uu cunay daryeelkii uu diiddanaa ee aadamaha ayaa uu ogolaaday, nafsiyan ayaa uu u degay, muddo kadibna caafimaad badan iyo deggenaanshiyo ayaa laga  arkay.