Xikmadda Maanta Iyo Googooska Geeska

0
761

– Raaxadu waa afar: Raaxada jidhka oo ku timaadda cuntada oo la yaraysto, raaxada ruuxda oo ku timaadda dembiga oo la iska yareeyo, raaxada qalbiga oo ku timaadda is mashquulinta oo la yareeyo iyo raaxada carrabka oo ku timaadda hadalka oo la yareeyo.

– Afar ka digtoonow: Ninka u cadhooda qofkii raalli gelin waaya, ka la fadhiista qof aan soo dhoweynayn, ka u baahi sheegta mid aan waxba ku dhaamin iyo ka ku hadla wax aan khusayn.

– Haddii uu ku dacwad yimaaddo nin isha laga soo riday, ha u xukumin illaa aad dhegeysato ka ka-soo ridayna gartiisa.

– Haddii aad la fadhido dad kaa aqoon badan dhegeyste fiican noqo,

– Weligaaba iska jir in aad hadalka ka dhex gasho qofku isaga oo aan dhamaysan.

– Laabta dadka xorta ahi waa sanduuqa sirta.

– Ha ka hadlin wax aanad war u haynin ama aqoontiisa lahayn.

– Carrabku waa turjumaanka caqliga qofka.

– Qofka xaqqa ka aamusaa waa shaydaan af xidhan.

– Dadka qaar meel kasta oo ay tagaan farxad iyo badhaadhe ayaa ay ka dhaliyaan, halka qaarkoodna marka ay tagaan laga waayo farxadda iyo badhaadhaha.

– Noloshu waa isu geyn, kala goyn iyo qayb: Isugee oo ururi asxaabtaada iyo dadka aad is jeceshihiin; Naftaadana ka jar oo ka fogow in aad kula dhaqanto dadkaa danaystenimo iyo bakhaylnimo; Jacaylkaagana si siman ugu qaybi dadka ku jecel. Waxa aad noqon doontaa ka dadka ugu farxadda badan.

– Haddii aad wax bixiso waxa aad tahay qof naxariis badan, laakiin ha illaabin in marka aad qofka baahan wax siinayso ay waajiab kugu tahay in aad indhahaaga ka ilaaliso aragtida cawradiisa.