Xikmadda Googooska Iyo Maadayska Maanta: Caddaaladda Damaaciga

0
742

Hargeysa (Geeska)- Qisadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay sheeko xariirada Carabta waxa ay isugu jirtaa maadays iyo sidoo kale xikmad uu doorbiday in akhristayaasha uu la wadaago.

Nin Damaaci ahaa oo laakiin ficilladiisa iyo hadalladiisu inta badan ahaayeen maadays dadka xiiseeyo ayaa beri martiyey nin aqoon fiican u lahaa oo digaag aad u badan dhaqda. Ninkii digaaga lahaa oo ay guriga kula noolaayeen xaaskiisa iyo afar carruur ah oo uu dhalay oo isugu jiray laba wiil iyo Laba hablood waxa uu xaaskii ka codsaday in ay  u qasho una soo dubto xabbad digaagad ah oo aanay jarjarin ee isku dhan. Kadib xabbaddii digaagad ahayd oo is wadata ayaa uu bilayd weyn ku soo riday waxa aanu soo ag dhigay martidii damaaciga ahaa oo uu doonayo in uu ka maadsado. Sidoo kale waxa uu soo kaxeeyey xaaskiisii iyo afartii carruur ahaa.

Ninkii la martiyey waxa uu damaacigii ka codsaday in xabaddan digaag ah uu isagu u qaybiyo qoyska oo uu isaga oo martidii ahina ku jiro. Damaacigin ayaa ku af gobaadsaday in aanu qaybta aqoonin, sidaa awgeed uu ka codsanayo mar haddii ay isagii ku soo riixeen in ay ka raalli noqdaan cadaaladda uu u qaybiyana. Dalabkii ayaa ay ka aqbaleen ninkii, kadib waxa uu bilaabay qaybtii, madaxii ayaa uu ka soo jaray digaagadii waxa aanu u dhiibay ninkii isaga oo ku leh, “Madaxa madaxweynaha qoyskaa leh” Haddana waxa uu soo jaray labadii baal oo waxa uu u kala dhiibay labadii wiil isaga oo leh, “Labada baalna labada wiil ayaa leh” kadib labadii dhudhun ee lugaha ayaa uu jaray oo waxa uu u dhiibay labadii hablood waxa aanu yidhi, “Labada dhudhun ee lugahana labada hablood ayaa leh” Haddana waxa uu gooyey dubkii iyo qaarkii dambe, markaasuu u dhiibay xaaskii ninka martida uu u yahay, isaga oo leh, “Dubkana wadaada ayaa leh” waxaa digaagaddii soo hadhay intii ugu muhiimsanayd ee ay ahayd in la cuno, oo ah dhexdii oo isku dhan, intiina inta uu qaatay ayaa uu yidhi, “Dhexdana martidaa leh”

Ninkii oo arrintan aad ayaa uu ula yaabay, laakiin haddana dareenkiisa uma uu sheegin damaacigii martida ahaa ee waxa uu ka dalbaday bal in uu maalin kalana la sii joogo isaga oo doonaya in uu tijaabo kale ka qaado.

Maalintii labaad ayaa uu ninkii xaaskiisa ka codsadya in ay soo kariso shan xabbo oo digaag ah, kadib sidii shalay oo kale ayaa uu miiska soo saaray shantii digaag ahaa oo isku dhan, damaacigii martida u ahaa ayaa aanu ka codsaday in uu maantana qaybiyo. Damaacigii sidii shalay ayaa uu ku afeeftay in aanu qaybta ku fiicnayn, balse ninkii ayaa ku celiyey in ay ku qanceen qaybtiisii shalay, tan maantana uu isaga uun qaybinayo.

Damaacigii ninkii waxa uu weydiiyey, “Ma tiro kisi ah (Kala dhiman) ayaa aan ku qaybiyaa mise tiro Dhaban (Tiro isle’eg)” Ninkii ayaa ugu jawaabay tiro Kisi ah. Kadib Damaacigii qaybtii ayaa uu bilaabay: “Adiga (Waxa uu u jeedaa ninkii uu martida u ahaa) iyo xaaskaagu laba ayaa aad isku tihiin xabaddaa digaag ahna isku saddexeeya si aad tiro kala dhiman u noqotaan. Labadaada wiilna digaagaddaa kale ku saddexee, Labadaada habloodna digaagaddaa kale ku saddexee” Shantii digaag ahaa saddex marka ay baxeen laba ayaa soo hadhay, kadib waxa uu yidhi, ‘Aniguna keliday ayaa aan ahay ee labadaa digaag ah igu saddexee” Ninkii ayaa iska dhigay in aanu qaybtan ku qancin kadib inta uu qawad muujiyey ayaa uu damaacigii u sheegay in uu ka noqday qaabkii hore ee qaybta ee uu doortay ee ahayd tiro kala dhiman, sidaa awgeed uu ku noqdo qaybta kana dhigo tiro dhaban (Isle’eg).

Damaacigii isma dhibin ee inta uu shanti digaag ahaa dib u soo ururiyey ayaa uu yidhi, “Adiga (Ninkii guriga lahaa) iyo labadaada wiil saddex ayaa aad isku tihiin ee xabaddaa digaagga ah tiro buuxda oo Afar ah iskaga dhiga… Xaaskaaga iyo labadeeda habloodna xabbad digaagad ah ku afaree… Aniga oo mid keliya ahna saddexda digaag ah ee soo hadhay igu afaree” Kadib inta uu madaxa kor u qaaday ayaa uu yidh, “Ilaahii i garansiiyey garsoorkaa iyo qaybtaas lagu qancayoow adiga ayaa mahad iska leh”