Eng. Maxamed Xaashi Oo Dib U Dhaca Doorashada Ku Sifeeyay Xilkasnimo-darro Ka Dhalatay Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo

0
509

xaashiHargeysa(Geeska)-Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa dib u dhaca doorashooyinka ku tilmaamay xilkasnimo darro ka timid hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo.

Eng. Maxamed Xaashi, oo u waramay telefishanka Star, wuxuu sheegay inaanu dalkan faqiirka ahi qaadi karin culayska dhaqaale ee tirada badan ee golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo.  Ugu horayn isagoo ka hadlaya dib u dhaca doorashada wuxuu yidhi  “Xukuumadan shantii sanno waxay kaga eekayd 26 June, wax sababahaas waaweyn oo dhacayna ma jirin, kolkaas xilkeedii ayuun bay gabtay oo ay ka soo bixi weyday, waxaanay ahayd in tallaabo laga qaado. “ Wuxuu intaas raaciyay “Markaad isku soo xooriso saddexdii hay’adood  ee guurtidii, wakiiladii iyo xukuumadii midna sharci maaha waaan nasiib darrooyinka dalka haysta. Labada xisbi ee mucaaradka ah iyo xisbiga muxaafidka ah heshiiskay  ku heshiiyeen ee wakhtigu waa siyaasad gaar ah oo la isla gartay, guurti ayaa carqaladaynaysana meesha kuma jirto.” Isagoo Madaxweynaha la hadlaya wuxuu Maxamed Xaashi yidhi “Madaxweynuhu wuxuu yidhi guurtidu waa sharci dee inuu gartay ahayd inaanay sharci ahayn, waxa kale oo uu ogyahay in wakhtigiisii ku dhacay xlkasnimo darro oo balaayo dhacday oo uu doorasho u qaban waayaa aanay jirin.” Wuxuu Maxamed Xaashi Cilmi, sheegay inaanu dalku qaadi karin dhaqaalaha ku baxa wasiirada tirada badan, “57 wasiiro, wasiirul dawle iyo wasiir xigeen dalkani uma baahna; faqiirna waynu sheeganaynaa intaas oo wasiirna waynu leenahay, ta’ kale wasiiradeenu lacag ka badan wadamo inaga waaweyn ayay qaataan.”