Xiisaha Iyo Xogta Googooska: Caafimaadka Iyo Saamaleylka, Dumarka Iyo Abaalka

0
1236

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa cilmibaadhis caafimaad oo ka waramaysa dhibaatada soo jeedka habeenkii ku keeno caafimaadka iyo tan labaad oo ah qiso kooban oo ka waramaysa abaal gudista haweenka:

1. Caafimaadka iyo saamaleylka: Daraasad cilmi ah oo dhowaan la sameeyey ayaa daah-furtay in hurdada habeenkii ee qofka oo ka yaraata 6 saac ay saamayn ku yeelan karto heerka sonkorta ku jirta dhiigga, keenina karto in qofka uu ku dhaco cudurka Macaanku. Cilmibaadhistani waxa ay aaminsan tahay in hurdada oo ka yaraata inta uu jidhku dabiici ahaan ugu baahan yahay ay keenayso is-beddelo hormoonnada ahi ku dhacaan jidhka, waxna u dhimaan qaabkii ay xubno badani u shaqaynayeen ama tayadoodii shaqo. Dhanka kalana, xeel-dheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey ayaa caddeeyey in hurdada oo ka badata inta dabiiciga ah qudheeduna ay keento is beddel iyo khal-khal ku dhaca hormoonnada. Dhibaatooyinka kale ee hore loo sheegay in soo jeedka habeenkii keeno waxaa ka mid ah, wadne xanuunka, xusuusta oo yaraata, dhiig-karka, daal joogto ah oo jidheed iyo maskaxeed iwm.

2. Dumarka iyo abaalka: Horaa loo yidhi, abaal raaga rag baa leh, laakiin taas macnaheedu wuu noqon waayey in raggu ay ka mahad naqaan abaalka loo galo in ka badan dumarka. Daraasad cilmi ah oo la sameeyey ayaa caddaysay in raggu ay ka mahad-celin yar yihiin, dumarka marka laga hadlayo wanaagga loo galo.

Waxa ay daraasaddu muujisay in mar walba ay gabadhu ka mahad celin badan tahay ninka marka wanaag loo galo ama hadyad la siiyo. Dhanka kale waxa ay daraasaddu tilmaamtay in qofka ka mahad celin waaya axsaanka loo falo, kana mahad naqi waaya kelmad uu yidhaahdana ha noqoto ee aanu weligii qalbigiisu gaadhin farxad iyo badhaadhe. Diinteenna toosan ayaa iyaduna hore mahad celinta uuga hadashay, sida uu nebi Muxammed (SCW) sheegayna, "Qofka aan dadka u mahad celini Allana uma mahad celiyo"