Digniin Caafimaadk: Dheefshiidku Si Sax Ah Oo Dhaqso Leh Uma Burburin Karo Beergarka Ah…

0
753

Washington (Geeska)- Jannalka Periodic Videos oo laga daawadu barta internet ka ee youtube ayaa dhowaan baahiyey tijaabo maqal iyo muuqaal ah oo si cilmiya loogu muujinayo waxa ku dhaca beergarka (Haan-beegarka sida ay in badan oo innaga mid ahi u taqaanno, balse aan sax ahayn) saddex saac kadib marka uu caloosha u gudbo.

Tijaabadan waxaa sameeyey bareyaal sare oo ka tirsan jaamacadda dalka Ingiriiska ee Nottingham oo ka mid ah boqolka jaamacadood ee dunida oo dhan ugu fiican. Saynisyahannada tijaabadan sameeyey ayaa gobol beergar ah dhex dhigay quraarad lagu shubay asiidhka Hydrochloric oo awood u leh in uu milo (burburiyo) macdanaha ahna kan ugu muhiimsan eek u jira dheecaanka dheefshiidku cuntada ku burburiyo.

Khubarada tijaabadan samaysay waxaa u soo baxday arrin yaab leh, oo ah in saddex saac marka ay roodhida beergarku ku jirto caloosha aanay haddana weli burburin oo maadaddan Hydrochloric ay awoodi weyday in ay burburiso, waxaa iyaduna taas ka sii yaab badnayd markii ay arkeen in markii asiidhkani uu roodhidii ku darsama in ay isu beddeshay madow, wasakhaysan oo aad looga wiswisayo. Ugu dambayntii waxa ay khubaradani ogaadeen in dheef-shiidkeenu uu beergarka ku burburiyo ugu yaraan 24 illaa 72 saacna ay suurtogal tahay, taas oo macnaheedu yahay in cuntadaasi ay muddo dheer iyada oo aan burburin ku jirayso dheefshiidka. Taasina waxa ay khatar ku tahay shaqada dheefshiidka iyo guud ahaanba caafimaadka.