Xidigii Ivory Coast Yaye Toure Oo Cadaalad Darro Ka Tirsaday Kulankii Uu Girigiiu Dalkiisa Ku Reebay

0
889

yayaCiyaaryahanka Xulka Qaranka Ivory Coast iyo Kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa ka hadlay guul daradii xulkiisa ka soo gaadhay Xulka Greeca, waxaanu sheegay inay cadaalada daro lagaga badiyey, oo Garsoorihii Ciyaartu uu ka hiiliyey, isla markaana laga diiday laba Rikoodhe oo ay xaq u laahayeen.

Yaya Toure, ayaa isaga oo u waramaayey  France Football, sheegay in la yaso oo aan dan  laga lahayn Xulalka Afrika,wax tixgelin ahna aan la siin, waxaanu yidhi “Ugu yaraan laba Rikoodhe ayaanu lahayn, ciyaartii aanu la ciyaarnay Japan, sidoo kale ciyaartii aanu la ciyaarnay Greece,Garsooruhu si  xun ayuu noola dhaqmay, sababtoo ah Afrikaan ayaanu nahay, wax tixgelin ah nalama siin, Rikoodhayaal aanu xaq u lahayn ayaa nalaga diiday, halka  anaga nalagu qabtay Rikoodhe aan caadi ahayn, cid iskay weydiisayna ma jirto, ”.

Dhinaca kale Laacibkan ayaa hore u sheegay in haddii uu ahaan lahaa Ciyaaryahan Cad, oo aan Afrikaan ahayn inuu ku guuleeysan lahaa Abaalmarinta Ciyaaryahanka Adduunka ugu wanaagsan, ee wax ka hor jooga uu yahay Midabkiisa iyo Qaarada uu ka soo jeedo ee Afrika, waxaanu sidoo kale sheegay inuu ka wanaagsan lahaa Messi, C.Ronaldo, Xavi iyo Iniesta, balse Midabkiisu ka reebay