Maayarka Salaxley Oo Eeddo U Jeediyay Wasaaradda Daakhiliga Iyo Golaha Deegaanka Hargeysa

0
691

44344434Hargeysa (Geeska)-Maayarka Degmada Salaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine), ayaa  ka hadlay kulan ka dhacay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Guddaha, oo ku saabsanaa khilaafkii iyo iska hor imaadkii dhexmaray Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Salaxlay. Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine),  wwuxuu  sheegay in kulankaasi aanu wax go’aan ahi ka soo bixin, isla markaana Xildhibaanada Golaha Deegaanku ay soo abaabuuleen dad iyagu buuq iyo mudaharaad ka hor dhigay Xafiiska Wasiirka hortiisa, waxaanu sidoo kale sheegay inuu aad uga xun yahay in Wasiirka Arrimaha Gudduhu uu arintan waxba ka qaban waayo.

Maayarka Degmada Salaxlay ayaa sidoo kale sheegay inay heshiis ku yihiin dhibaatada ka taagan muranka ee ka taagan Dhulka la isku haysto Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Ciidanka Bileyska iyo Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, oo uu sheegay in aanay u suurtageli doonin.

Maayarka Salaxlay ayaa isaga oo Warbaahinta u waramaya hadalkiisi ku bilaabay “Murankani ilaa iyo 26/4/2013-kii, ayuu bilaamay Muranka dhinaca dhulka, taas oo Golaha Deegaanka ee Hargeysi xad gudub weyn ku soo sameeyeen Degmada Saxlaxlay guddaheeda, sida la wada og yahay Gobolada iyo Degmooyinka dalku intooda badan ma kala xadeeysna,balse Degmada Baligubadle iyo Degmada Salaxlay waxa ay kala leeyihiin Xuduudo cad, oo ku cad, xeer 23, qodobkiisa 21-aad, farqadiisa kowaad iyo labaad, waxa ay odhanayaan goobaha Xuduudaha Baligabadle iyo Salaxlay, goobihii la dhigay Aftida Dastuurka, nasiib daro Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo lahayd baadhista sharcigaas, ama dhaqan gelinta xeerka sharcigaas, ayaa imika kow ka ah muranka sii socda iyo dhibaatada meesha ka dhacdayba, waanaga imika ka soo baxnay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Guddaha, sidii jabhadihii dad ay Suuqa ka soo ururiyeen Golaha Deegaanka Hargeysa, dadkaas oo ay doonayeen inay ka mudaharaadan oo ay ka buuqaan Xafiiska Wasiirka hortiisa, waxaana uga soo baxay hab dhaqan xumadii meesha ka socotay, Wasiirka Arrimaha Gudduhuna waxa uu ka adkaan kari waayey inuu Xafiiskiisa ku maamulo Maanta (Shalay),wax go’aan ahina kamuu soo bixin, goobahana maaha goobo la galin karayo mugdi, ama inay dad gaar ahi inta ay meel fadhiistaan ay qudhqudhi karaan maaha, dadkii oo dhami wey dhaqan yihiin, goobihii la dhigay sanaaduuqduna wey cad yihiin, Wasiirka Arrimaha Gudduhuna haddii u udoonayo inuu ogaado si yar oo dhib yar ayuu u soo ogaan lahaa, oo kaligii ayaa isaga oo qaata Gaadhigiisa soo ogaan lahaa,balse waxa ay u eeg tahay in aanu isagu arintan u jeedin”.

Maayarka Degmada Salaxlay ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Waxa aanu cambaareeynaa Masuuliyiinta Bileyska, oo halkii markii hore Xildhibaanka lagu toogtay aan waxba ka qaban, oo halkii lagu toogtay Shalay (Doraad), Askarigii ka tirsanaa Degmada Salaxlayna aan waxba ka qaban, arintana waxa ay u eeg tahay arin lagu heshiiyey, oo dhul boobnimo ah, oo ay u dhan yihiin Ciidanka Bilayska, Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dawladda hoose Hargeysa”.