Warbaahinta Dunida Oo Warbixino Ka Qoray Xukunka Iyo Xadhiga Madaxda Haatuf

0
618

GaboobeHargeysa(Geeska)-Laba Wargeys oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn wadamada Ingiriiska iyo Yurub ayaa warbixin ka qoray xadhiga lagu riday guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftire Axmed Cali Cige iyo weliba xayiraada la saaray meheradii Haatuf. Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska iyo wargeyska Aftenposten ee caanka ka ah  dalka Norway ayaa warbixino ka diyaariyay xukunka iyo xadhigan oo ay bulshada xuquuqal insaanka iyo xorriyada hadalku cambaaraysay. Wargeyska Aftenposten wuxuu tilmaamay in Yuusuf Cabdi Gaboobe ku jiro xabsiga weyn ee Hargeysa oo ay dhismihiisa dawladda Norway ka qayb qaadatay, waxaanu wargeysku tilmaamayaa in xabsi lagu dhisay lacagta Norway lagu xidhay saxafiyiin.

Wargeyska The guardian ayaa isna warbixin ka qoray xadhigan masuuliyiinta Haatuf. Waxaanu sida ay jariiradahan reer Yurub wax uga qoreen xadhiga iyo xukunka Haatuf uu tilmaamayaa sida looga naxay xukunkii iyo xayiraada wargeyska saaranba.

Geesta kale, masuuliyiin reer Somaliland ah oo dhawaan magaalada Nayrobi kula soo kulmay qaar ka mid ah safaaradaha reer galbeedka, ayay warar soo baxay sheegayaan in qodobada ugu muhiimsan ee lagala hadlay uu ka mid ahaa  xiisada ka dhex taagan saxaafadda iyo xukuumadda iyo weliba meheradaha Wargeyska Haatuf iyo Hubaal ee xidhan, waxaanay warar soo baxay ay sheegayaan in xukuumadu qorshaynayso sidii ay u sii dayn lahayd Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah saxafiga xabsiga ku jira, islamarkaana ay xayiraada uga qaadi lahayd warbaahinta xayiran.