Xidhiidhka Walaalnimo Ee Wiilka Iyo Gabadhu Hadduu Ka Bato 22 Bilood Waxa Uu Isu Beddelaa Jacayl

0
1744

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday qiyaas ahaan saddex meelood laba ka mid ah qoysaska is qaba in xidhiidhkoodu uu ku bilowday saaxiibtnimo caadiya / walaalnimo, laakiin inta aanu jacayl iyo damac jinsi isu beddelin in uu muddo dheer ku sii jiro xaaladda walaalnimada.

Cilmibaadhayaal ay hor kacayso Danu Anthony Stinson, oo kaaliye bare-sare oo jaamacadeed ka ah qaybta cilminafsiga ee jaamacadda Vicotoria, dalka Canada ayaa baadhis ay ku sameeyeen waayoaragnimada ku dhowaad 1900 oo ah dad qaangaadha oo arday u badan, kuwaas oo ay ku jiraan 677 is qaba, in dhammaantood oo la weydiiyey in uu xidhiidh walaalnimo ka dhexeeyey guurka hortii.  Boqolkiiba 85 ka mid ah ayaa sheegay in jacaylkoodu uu ku bilowday isbarasho walaalnimo oo marka hore dhex martay, iyaga oo aan aan markaas isu eegayn kala duwanaanshiyahooda da’da, heerka waxbarashada iyo isirka. “Sidee uu xidhiidhka walaalnimo isugu beddelaa jacayl, iyo waxa ay dhab ahaan ku kala duwan yihiin saaxiibbada iyo jacaylku waa su’aal weli aan jawaabteeda si cilmiya loo helin” waxaa sidaas sheegtay Stinson. Waxa aanay intaas ku dartay in jawaabo qosol leh ay ku bixiyeen, dadka xidhiidhkooda walaalnimo uu jacaylka isku beddelay ee la waraystay intii daraasaddan la waday; “Qaarkood waxa ay sheegeen gacmo is qabsashadoodii ay isu beddeshay dareen jacayl, kuwo kalana waxa ay tilmaameen in sababtu ay ahayd isbarasho qoys oo dhex martay, xidhiidh jinsi oo ka dhex dhacay, halka kuwa kalana ay sheegeen in hab macaamilkoodu uu ahaa mid abuuraya jacayl” ayaa ay tidhi Stinson. Waxa aanay caddaysay in uu xihdiidh weyn oo haddana madow ku gadaaman yahay uu u dhexeeyo saaxiibtinmada iyo jacaylka. “Waxa ay sii xoojinaysaa sida aanad si run ah qof ugu qeexi karin, waxa ay kala yihiin saaxiibtinimada / walaalnimada iyo jacaylku” Iyada oo intaas ku dartay in dadka xidhiidhkani ka dhexeeyo oo keliya ay yihiin kuwa sheega in ay kala soocan yihiin labada xidhiidh.

Arday xidhiidh walaalnimo oo hore lahaa balse is jeclaaday ayaa ay daraasaddu sida oo kale weydiisay muddada uu jiray xidhiidhkooda walaalnimo ka hor intii aanay is damaaciyin, iyo sideedaba sida ay u arkaan in xidhiidhka lammaanuhu uu ku horreeyo walaalnimo ka hor inta aanu isu beddelin jacayl. Ardaydan oo ka soo jeeday 300 oo jaamacadood, waxa ay celcelis ahaan sheegeen in xidhiidhkooda walaalnimo uu jiray 22 bilood ka hor intii aanu xidhiidhku noqon jacayl. Ugu yaraan kala badh ka mid ahina waxa ay sheegeen in xidhiidhka oo walaalnimo ku bilowdaa ay ka fiican tahay in uu marka horeba jacayl la kowsado. Gaar ahaan marka la eego dadka inta ay ku kulmaan munaasabad, baraha xidhiidhka bulshada ama goobo shaqo iyo waxbarasho, uu bilowga barashadoodaba dareen caashaq ku lammaan yahay.

Stinson waxa ay ku doodaysaa in sideedaba xidhiidhka ninka iyo gabadha dhex marayaa uu yahay mid uu ka saayid caleeyo dareenka jinsi ee ku abuurani. “Laakiin marka aynu dadkan weydiino waxa ay inoo sheegayaan, in saaxiibtinimo ay yeeshaan dadku jinsi kasta oo ay yihiin. Waxa se ay u dhowdahay in maalin uu uu dareen jinsi oo isu soo jiidaa dhex marayo. Waa ay dhici kartaa in ay fuliyaan dareenkaas iyo in aanay fulin labaduba” ayaa ay Stinson.