Loolanka Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Oo Sii Adkaaday, Tirada La Sheegay In Kulmiye Gacanta Kaga Dhigay Mucaaradka Iyo Wararkii U Dambeeyay

0
3985

Hargeysa (Geeska) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxa ka socda Ololaha Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xisbiga Muxaafidka iyo Xukuumaddiisa oo wada jiraa ugu jiraan Shir-guddoonka Golaha cusub ee Wakiillada.

Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo haysta aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiilada, ayaa doonaya inay gacanta ku dhigaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, waxayna Xooggooda iskugu geynayaan sidii Guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad u noqon lahaayeen kuwo ka soo baxay Xisbiyadooda oo Mucaarad ah, si mustaqbalka loola Xisaabtami karo Xukuumadda Talada haysa oo Xisbigeeda lala awood roon yahay Golaha Wakiillada.

Laakiin, Xisbiga KULMIYE oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa ka wada dedaallo uu ku doonayo inuu helo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, isagoo u calaamadiyey xilkaasna Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee ku soo baxay doorashadii dhawaan dalka ka dhacday.

Labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID, ayaa haysta 52 Xidlhibaan oo ka mid ah Golaha Wakiillada oo ka kooban 82, taasi oo ka dhigan in Kulmiye uu doorashada ka helay 30 Xildhibaan oo keliya, taasi oo aan u suurto-gelin karin inuu ku hamiyo inuu helo Shir-guddoonka.

Balse, Xisbiga KULMIYE oo aan weli is dhiibin, ayaa Adeegsanaya Xeelado kala duwan, si uu Xildhibaannada Mucaaradka u soo baxay qaarkood ugu qanciyo inay Codkooda siiyaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo uu u sharraxay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee cusub.

Sidaasi darteed, Warar kala duwan oo Wargeyska Geeska Afrika ka helay Ilo kala duwan, ayaa sheegaya in Xisbiga KULMIYE ay suurto-gashay inuu Xisbiyada Mucaaradka ka kaxaysto Xildhibaano ku dhow 10, kuwaasi oo dano siyaasadeed oo u gaar ah awgeed uga tanaasulay inay la fikir ahaadaan Madaxda Xisbiyadooda ee doonaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Xisbiga WADDANI uga soo baxay Gobolka Sool.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u sheegay inuu ka shaqaynayo sidii uu Faratoon ku noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaana markii uu Madaxweynuhu hadalkaa sheegay soo baxay Xildhibaan ka mid ah xisbiyada Mucaaradka ah oo sheegaya in lacago loo soo bandhigay, inkasta oo markii dambe Warkaa la beeniyey.

Hase-ahaateen, illaa xilligaa waxa soo baxayey in Xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ay ku jiraan olole xooggan, kaasi oo hadba weji cusub yeelanayey.

 

Geeska.net/Hargeisa Office