Ka Feejingnoow Coronaviurs Oo Aan Weli Dunida Ka Dhammaan, Noocyo Cusub Oo Hor Lehna La Soo Baxay

0
1000

In kasta oo dunida oo dhan ay ka jirto rejo ah in ay sii dhammaanayso masiibada gu’ badhka jirtay ee malaayiinta qof galaafatay, haddana waxaa rejadaas garab socda niyad xumada ka dhalanaysa, warkii u dambeeyey ee ka soo baxay hay’adda caafimaadka adduunka oo timaamaya in fiditaanka xanuunka COVID-19 uu weli jiro iyo in aanay meesha ka bixin cabsidii laga qabay in noocyo cusub oo uu ku dhallanrogmay ay dillaacaan.

Dr Soumya Swaminathan oo madax u ah guddida khubarada sayniska ee hay’adda WHO ayaa waraysi ay siisay wakaaladda wararka ee Bloomberg waxa ay ku sheegtay in ay degeeg tahay tahay haddii loo qaato in xanuunkii COVID-19 uu dhammaaday, gaar ahaan marka la eego kor u kaca dunida oo dhan laga dareemayo ee tirada dadka uu ku dhacayo Coronavirus noociisa ‘Delta’, taas oo ay sheegtay in ay muujinayso in aanu xanuunku hoos u dhicin.

Waxa kale oo ay Dr. Soumya sheegay suurtagalnimada in ay soo baxaan noocyo cusub oo dhaawaca waxtarkii tallaalka. Iyada oo ka digtay xawaaraha aadka u sarreeya ee uu ku faafayo Nooca ‘Delta’ oo ay sheegtay in uu qofka uu ku dhacaa uu awood u leeyahay in uu u gudbiyo illaa 8 qof oo kale.

Toddobaadkii hore ayaa hay’adda qaramada midoobey ee caafimaadka adduunku ay sheegtay in xanuunka COVID-19 uu galaaftay nafta dad ka badan 4.05 Milyan oo qof, iyada oo uu guddoomiyaha Tedros Adhanom uu intaas ku daray in ay hubaal tahay in tirada dadka xanuunkan u dhintay ay intaas ka badan tahay. Halka tirada dadka uu ku dhacay oo weli kor u sii socotaana markii waxbixintan aan qorayey ay maraysay 188 Milyan oo qof.