Xidhiidhka Ka Dhexeeya Tallaabada Uu Qofku Qaadayo Iyo Xaaladda Caafimaad Ee Maskaxdiisa

42
3852

Dad badan ayaa iska aamina in dhibaatooyinka dhinaca xusuusta ah iyo khalkhalka ku yimaadda garashadu ay tahay calaamado gabowga ku lammaan oo qof kasta oo da’ noqda laga filan karo. Laakiin cilmibaadhisaha caafimaad ee la samaynayaa waxa ay iska daba mareen in hab-nololeedka caafimaad ee qofku ay kaalin weyn ku leedahay in maskaxda ay ka fogaadaan raadadka ka dhasha gabowga.
Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa ay xeeldheereyaasha caafimaadku ku sheegayaan in socodka oo horeba loogu ogaa faa’iidooyin badan oo caafimaad ay ugu sii biirtay in uu wax weyn ka taro caafimaadka guud ee maskaxda. Cilmibaadhayaal ka tirsan maxadka Semel ee cilmiga dareenwadayaasha iyo hab-dhaqanka aadamaha oo hoos taga jaamacadda California ee dalka Maraykanak ayaa sheegay baadhis ay sameeyeen ku ogaaday in qofka oo maalin kasta qaada 4 kun oo tallaabo ay kor u qaadayso caafimaadka maskaxdiisa. Dadkii tijaabadan lagu sameeyey waxaa lagu arkay fahamkooda iyo feejignaanta maskaxdooda oo aad kor ugu kacday, iyo xawaaraha fahamka maskaxdooda oo wanaagsanaaday. Waxaa kale oo la dareemay in awoodda maskaxdooda ee go’aan qaadashadu ay intii hore aad uga soo fiicnaatay.
La yaab malaha in socodku uu maskaxda u noqdo caafimaad, waayo socodku waxa uu kordhinayaa in uu kordho dhiigga wata Ogsajiinta ee maskaxda gaadhayaa, kaas oo ogsajiinta iyo nafaqooyinka ku lammaan gaadhsiinaya maskaxda, si ay si caafimaad qabta ugu shaqayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here