Xidhiidh Baa Ka Dhexeeya Fariidnimada Iyo Curadnimada, Warwarka Iyo Jimicsiga Jidhka

0
564

Judy Ho oo ah haweenay Maraykan ah oo ku xeeldheer caafimaadka sharciga ah iyo cilminafsiga ayaa sheegtay in ay jiraan xirfado ku lammaan fariidnimada oo qofka garaadka badan oo keliya lagu garto, waxa aanay tusaale u soo qaaday awoodda xallinta dhibaatooyinka.

Warbixin ay faafisay majaladda ‘The Healty’ ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa haweenayda qoraaga ah ee Emily DiNozzo Waxa ay ku sheegtay in fariidnimada iyo garaad badnida aan loo haysan qeex cad, laakiin haddana si guud ay u jiraan tilmaamo dadka badankiisu isu waafaqsan yihiin oo lagu garto qofka fariidka ah, waxaa ka mid ah heer fikirkooda oo aad u sarreeya. Haddaba qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu k ueegaynaa tilmaamaha lagu aqoonsan karo fariidka ee ay xeeldheereyaal badani isku waafaqeen:

Ilmaha weyn ayaa aad tahay

Cilmibaadhis ay natiijadeeda faafisay majaladda ‘The Journal of Human Resources’ oo ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in ilmaha curad ee qoyksu ay u badan in uu ka maskax badan yahay walaalkiisa ka yar. Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in baadhitaanno lagu sameeyey carruur walaalo ah oo kala duwan lagu ogaaday in curadku uu ka garaad badan yahay kuwa kale. Waxa aanay sababta ku tilmaameen ilmaha curad oo inta badan ku soo beegma xilli waalidku firaaqo iyo kalgacal dheeraad ah ubadka u hayo, sidaas awgeedna kala kulma ficillo iyo hadallo gaar ah oo kobcinaya maskaxdiisa.

Warwarka

Cilmibaadhiso natiijadooda lagu faafiyey majaladda kale ee ‘Intelligence’  ayaa daahfuray in dadka garaadkoodu sarreeyo ama heerkooda fariidnimo ka sarreeyo inta celcelis ahaan laga filayo qofku ay can ku yihiin dhibaatooyin ay ka mid tahay Khalkhal dhinaca dabeecadda iyo xasiloonida nafsiga ah la xidhiidha iyo warwar ka badan dadka kale ee ka garaadka hooseeya ama ka fariidnimada yar.

Dr. Judy Ho oo arrintan ka warramaysayna waxa ay aaminsantahay in sababta warwarka iyo walaacan badani ay tahay qofka garaadka badan oo inta badan ku talaxtaga fikirka uu shay kasta ka fikirayo maadaama oo uu isku dayayo in shay kasta dhammaystirnaantiisa uu raadiyo.

Xidhiidh ayaa ka dhexeeya fikirka heerkiisu sarreeyo ee qofka maskaxda badan lagu yaqaanno iyo xaaladaha nafsiga ah ee walbahaarka, walaaca iyo khalkhalka maskaxeed la xidhiidha.

Jimicsiga

Rahul Gandiyal  oo ah dhakhtar qalniinka maskaxda ah, isla markaana ku xeeldheer cilmiga neerfaha ayaa sheegay in dadka garaadka badan badankooda lagu yaqaanno firfircooni jidheed, “Waxaa jira caddaymo cilmiya oo sheegaya in dhaqdhaqaaqa jidheed iyo jimicsigu ay maskaxda ku abuuro baraarugsanaan iyo firfircoon. Waxa aanu xoojiyaa xidhiidhka u dhexeeya fikirka iyo fahamka qofka.