Waxyaabaha ugu badan ee ay carruurta iyo waalidku isku fahmi waayaan waxaa ka mid ah hurdada iyo saacadaha hurdo ee ay u baahan yihiin. Waxa ay aad u sii badataa xilliga fasaxyada dugsiyada oo ay carruurtu caadaystaan in ay habeenkii seexdaan saacado aad u dambeeya ama in ay seexdaan saacado aan nidaamsanayn oo habeenba waqti ah.
Noolaha badankiisu waxa uu leeyahay dareen maskaxda ku abuuran oo la qabsada saacadaha go’an ee gaajada, hurdada, baahiyaha kale ee jidhka iyo hawlaha qofka u yaalla, taas oo marka waqtigaas la gaadho uu qofku xasuusanayo. Waxaa afka cilmiga lagu yidhaahdaa ‘Saacadda abuurka ah / bayoolojiga ah’. Haddaba hurdada oo ilmaha ka khalkhashaa waxa ay ku keentaa in jaahwareer ku dhaco saacadda bayoolijiga ah. Sidaas awgeed fasaxyada dugsiyada kaddib waxaa ku adkaata in ay dhibaato kala kulmaan saacadihii hurdo ee ay ahayd in ay qaataan xilliga dugsiga.
Hay’adda qaran ee caafimaadka hurdada u qaabilsan Maraykanka (National Sleep Foundation) ayaa dhowaan bixisay talooyin la xidhiidha saacadaha uu ilmuhu u baahan yahay hurdada. Waxa ay sheegtay in carruurta da’doodu tahay 3 illaa 5 jir ay waajib tahay in ay helaan hurdo dhan 10 illaa 13 saacadood. Carruurta da’doodu u dhexeyso 6 sano illaa 13 sano jir in ay helaan inta u dhexeysa 9 illaa 11 saacadood oo hurdo ah maalin kasta, halka carruurta da’doodu u dhexeyso 14 sano illaa 17 sano ay waajib tahay in ay habeen kasta seexdaan 8 illaa 10 saacadood.
Hay’adda qaran ee sayniska ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo NSF ayaa iyaduna sheegtay in ilmaha oo aan helin hurdo ku filan ayaa ay khubaradu sheegeen in ay ku keento dhibaatooyin badan oo dhinaca waxbarashada ah. Hurdo yaraantu waxa ay yaraysaa awoodda ay maskaxda ilmuhu u leedahay waxbarashada, dhegeysiga iyo dhugmada, sida oo kale waxaa hoos u dhaca kartideeda xallinta mushkiladaha. Dhibaatooyinka kale ee ilmaha hurdadu ku yaraato lagu arko waxaa ka mid ah illow badan oo aanu dib u xasuusan duruusta muhiimka ah, gaar ahaan magacyada, tirooyinka iyo waajibaadka dugsi ee ay tahay in uu qabto.
Carruurta da’da 13 illaa 17 u dhexeysa ayaa ay khubaradu sheegeen in hurdo yaraantu ay ku keento isbeddel weyn oo ku yimaadda dabeecadahooda, tusaale ahaan qaylo badan iyo khilaaf dabeecad xumadiisa ku imanaya oo dhex mara saaxiibbadii, ardayda dugsiga la dhiganaysa iyo walaalihii. Waxa kale oo kordha baahida ay u qabaan cuntada aan caafimaadka u fiicnayn tusaael ahaan xalwadda iyo macmacaanka iyo cuntooyinka shiilan oo uu jeclaado, sidaas awgeed ilmahan waxaa lagu arkaa miisaankiisa oo aad u kordha.