Kursiga Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Ee Xisbiga KULMIYE Oo U Muuqda Ka Keliya Ee Lagu Tartami Doono

0
755

Sabtida Maanta, waxa ku eg Wakhtigii loo qabtay In Siyaasiyiinta Damacu ka hayo inay u tartamaan Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ay ku bixiyaan Lacagaha Shuruudda lagaga dhigay

Hargeysa (Geeska) – Toddobaadkii u dambeeyay waxa isa soo tarayey Wararka la xidhiidha Shirweynaha Xisbul-xaakimka KULMIYE, kaasi oo loo muddeeyay inuu qabsoomo horraanta bisha 10-aad ee sannadkan 2020.

Shirweynaha ayaa sida sharciga Xisbigu dhigayo waxa lagu soo dooran doonaa Hoggaanka Shanta sannadood ee Xisbiga, Guddiga fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe.

Sidaasi darteed, maaddaama oo shirweynaha lagu soo dooranayo Hoggaanka Shanta sanadood ee soo socda waxa soo baxay Siyaasiyiin kala duwan oo damac ka hayo inay ka qayb-galaan tartanka loo galayo kuraasta kala sarreeya ee hoggaaminta xisbiga KULMIYE, waxaana jira siyaasiyiin caddeeyay damacooda isla-markaana calaamadsaday xilka ay doonayaan inay u tartamaan.

Illaa hadda siyaasiyiinta damacooda sheegay waxa ka mid ah Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), kaasi oo Toddobaadkii la soo dhaafay shubay 10 kun dollar oo ah shuruudda lagu xidhay Musharraxiinta doonaya inay u tartamaan Jagada Guddoomiye ku-xigeennada Xisbiga KULMIYE.

Mudane Saylici wuxuu doonayaa ku tartamo isla-markaana sii xajisto kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-xaakimka oo uu ku fadhiyey dhowr iyo tobankii sanadood ee u dambeeyay, laakiin waxa soo labeeyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Xasan Sacad (Saajin), kaasi oo isaguna shubay lacagta shuruudda lagaga dhigay, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenka kula tartami doonaa Jagada 4-aad ee hoggaaminta Xisbiga.

Tartanka Saylici iyo Saajin ee jagada Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga KULMIYE ayaa isaguna sida la sheegay waxa ku soo biiray Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed, kaasi oo sida la xaqiijiyey doonaya inuu u tartamo jagada Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad, kursigaasi oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Inkasta oo ay soo baxeen Siyaasiyiin doonaya inay u tartamaan Jagada uu Kulmiye ka hayo Madaxweyne ku-xigeenku, haddana ma jiro siyaasi la shaaciyey inuu bixiyey Lacagtii shuruudda ahayd oo doonaya inuu u tartamo Jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo uu hadda hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore u shaaciyey inuu Musharrax u yahay jagada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaan illaa hadda Shubin lacagta shuruudda lagaga dhigay Musharraxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Xisbiga, waxaana warar qaar sheegayaan inaanu ka qayb-geli doonin Shirweynaha Xisbiga.

Haddaan wax laga beddelin jadwalba wakhtiga ugu dambeeya ee Musharraxiinta laga qabanayo Lacagta Shuruudda ah, wakhtigii hore loo qabtay ayaa ku eg 5-ta bisha September oo ku beegan Sabtida Maanta.

Geeska.net/Hargeisa Office