Xiddiga Kubbadda Cagta Ee Yaya Tore Oo Muranno Xiiso Leh Dunida Ciyaaraha Ka Dhaliyey Kadib Markii Uu Inan Yar Oo Xijaaban La Soo Galay Gudaha Garoonka

0
916

Picture8London (Geeska)- Xiddiga dhexda uga ciyaara naadiga kubadda cagta Ingiriiska ee Manchester City iyo xulka Qaranka Ivory Coast Yaya Torre ayaa galabnimadii Isniintii toddobaadkan inan yar oo xijaaban la soo galay garoonka kubadda cagta ee Itixaad oo ku yaalla magaalada London, halkaas oo uu kaga qayb galayey ciyaartii kooxdiisu la lahayd kooxda Liverpool.

Arrintan ayaa dareenno kala duwan ka dhalisay dalka Ingiriiska iyo guud ahaanba dunida, waxaana markiiba bar-kulannada bulsho ee internet ka ay dadku isku dhaafsadeen sawirrada ciyaaryahankan Yaxye Tore oo gacanta haysata inan yar oo xijaaban. Wareegyada kubadda cagta ee qaaradda Yurub waxaa caado u ah in ciyaartoygu ay bilowga ciyaarta garoonka la soo galaan wiilal yaryar oo ku labbisan dharka kooxda, ciyaaryahan kastaana mid gacanta haysto, kuwaas oo sawirrada garoonka gudihiisu marka ay dhammaadaan dibadda uga baxa garoonka, laakiin dadkii sida tooska ah garoonka u fadhiyey iyo daawadayaashii kala socday talefishannadaba waxaa mar keliya indhahooda soo qabsaday muuqaalka Yaxye Tore oo gacanta haystay inan yar oo xijaaban, arrintan oo dadka badankoodu u fahmeen in ay tahay farriin uu dunida u duriyey Yaxye Tore oo ah muslim caan ku ah in uu diinta Islaamka aad ugu dheggen yahay. Dadka arrimahan lafa guray ayaa qaar badan oo ka mid ahi ay tallaabadan u fahmeen in ay tahay hab uu Yaxye Tore dunida reer galbeedka ugu sheegayo in aanay muslimiintu kala saarin hablaha iyo wiilasha oo aanay la mid ahayn reer galbeedka caadada ka dhigtay in ay wiilasha oo keliya la galaan garoomada, waxa kale oo arrintan lagu macneeyey in ay tahay farriin caddaynaysa in uu u sheego in shaqada ay isaga iyo muslimiinta kale u soo doonteen qaaradda Yurub aanu macnaheedu ahayn in ay diintooda iyo dhaqankooda beddelayaan, waana sababta uu inanta yar ugu soo xijaabay.

Waxaa si fiican loo xasuusan yahay in Yaxye Tore uu hore u diiday in uu guddoomo abaal-marinta la siiyo ciyaaryahanka ugu fiican Ingiriiska, kadib markii loo bogay ciyaartii kooxdiisu la lahayd Newcastle ciyaar ka mid ahayd wareeggii kubadda cagta ee dalka Ingiriiska. Abaal-marinta uu Yaxye diiday waxa ay ahayd quraarad khamri ah, waxaana weji gabax ku noqotay xidiidhka kubadda cagta Ingiriiska iyo masuuliyiinta kala duwan ee kubadda cagta markii uu si badheedh ah warbaahinta oo wada maqlaysa u yidhi, “Anigu Muslim baan ahay oo khamriga ma cabbo” Waa markii ugu horreysay ee garoomada kubadda cagta Ingiriiska ay ka dhacdo in ciyaartoy uu soo galo isaga oo gacanta haysta inan xijaaban. Inantan yari waxa ay xidhnayd labbiska naadiga Man city, madaxana waxaa ugu xidhnaa maro iyaduna leh isla midabka dirayska. Yaxya Tore oo ah 21 sano jir ahi waxa ay walaalo yihiin Kolo Tore oo ay mar isku koox u ciyaari jireen, ka hor intii aanu u wareegin kooxda Liverpool iyo Ibraahim Tore oo isagu bishii Lixaad ee sannadkan cudurka Kansarka qanjaha ku dhacaa u dhintay.