Talooyin Waalidka U Fududaynaya In Ay Ilmahooda Ka Caawiyaan Waxbarashada (Q:1aad)

0
736

Hargeysa (Geeska)- Waalid kasta oo weliba hooyadu ugu horreysaa waxa uu jecel yahay in ilmihiisu uu waxbarashada dugsiga ku fiicnaado, mar kastana heerkiisa waxbarasho ammaan muto, sababtaas ayaana keentay in waalidiinta aadka u danaynaya ubadkoodu ay samaystaan waqtiyo ay ubadkooda ka caawiyaan fahamka duruustiisa iyo gudashada waajibaadkiisa. Haddaba qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xiganayo shabakadda Bawaaba News waxa aynu ku eegi doonnaa dhowr arrimood oo ay khubarada waxbarashadu aaminsan yihiin in ay waalidka u fududayn doonaan in ay ilmahooda ka caawiyaan waxbarashada:

– Jadwal maalinle ah: Ilmahaagu waa in uu yeeshaa waqtiyo go’an oo uu maalin kasta duruustiisa dib u akhriyo, waqtiyo ciyaareed iyo waqti uu talefishanka daawado. Waxaa muhiim ah in waalidku uu ilmihiisa ka caawiyo in uu samaysto jadwal hawleed, waxaana la aaminsan yahay in waqtiga ilmaha oo la nidaamiyaa uu yahay bilowga guul uu ilmuhu ka gaadho waxbarashada iyo in mustaqbalka waqtigiisu nidaamsanaado.

– Nidaaminta qolkiisa: Nadaafadda iyo nidaaminta (Kala habaynta) qolka uu ilmuhu duruustiisa ku akhrisanayaa muhiimad weyn ayaa ay u leeyihiin in xaaladda nafsiga ah ee ilmuhu noqoto mid deggen, isla markaana waxa ay kor u qaadaysaa xiisaha uu u qabo in uu duruustiisa waqti dheeraad ah ku qaato. Waxaa iyaduna muhiim ah in waalidku uu ilmaha baro in uu isagu hagaajisto qolkiisa waxbarashada, waalidkuna uu keliya ka caawiyo wixii aanu awoodayn isaga oo isu dhigaya in uu isaga talada iyo fikirka uga dambaynayo, wixii qaldanna saxaya. La soco…