Xeerarka Guusha Ee Baraka Obama (Q: 2aad)

0
1359

Washington (Geeska)- Qaybtii labaad uguna dambaysay ee qodobbadii laga ururiyey hadallo kala duwan oo uu madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama jeediyey marar uu ka hadlayey fureyaasha guusha iyo jawaabo uu ka bixiyey waxa u suurtageliyey guulaha uu gaadhay oo ka soo bilowday iska dhal madow ah, aabihii aanu Maraykan ahayn, soo maray nolol dib jirnimo iyo saboolnimo, laakiin ku dambeeyey in uu noqdo mid ka mid ah madaxweyneyaashii loogu jeclaa ee soo mara dalka Maraykanka:

  1. Ha isku weynaynin

Sida ugu fiican ee uu qofku kaga nasan karo cidhiidhiga shaqada badan ee uu ugu jiro in uu guusha gaadhaa waa in uu yeesho waqtiyo uu dadka la shaqaynaya ama ku xeeran la qoslo, kalana kaftamo arrimaha iska maadda ah ee dhacaya.

Shaqada isku weynee, laakiin naftaada ha isku weynaynin. Masuuliyadaha ku saaran si dhab ah u qaado oo isku weynee, laakiin nolosha oo dhan sidaas ha ka dhigan, naftaada u ogoloow in ay hesho waqtiyo ay ku mashquusho arrimo laga yaabo in marmarka qaarkood aad macno darro u arkayso.

Waa sida keliya ee aad kaga badbaadi karto in shaqadu ay dhaawac u geysato caafimaadkaaga nafsadeed.

  1. Ku dheggenoow qorshayaashaaga

Haddii aad guul rabto waa in ay kuu caddahay hawsha aad rabto in aad guushaa ku gaadho, waa in aad taqaanno jidadka furan ee aad ku gaadhi karto yoolkaas, waa in aad qorshe iyo istaraatijiyad ka yeelataa habka aad ku gaadhayso hiigsigaas aad leedahay, kaddibna waa in aad ku dheggenaato raacista qorshahaa aad dejisatay.

Waxaa muhiim ah in aad ogaato in istaraatijiyaddu aanay ahayn arrin si dhaqso ah midho dhalkeeda loo arko, sidaa awgeed ay u baahan tahay in waqti la siiyo, oo aan laga niyadjebin dadaalka iyo hawsha badan ee ay u baahan tahay in loo galo dhabaynteeda.

Inta badan waxaa dadka ku dhacda in ay hawsha iyo ku socoshada qorshahooda ka daalaan marka ay muddo gaaban ku gaadhi waayaan ujeedadii ay filayee. Waxaa ka mid ah qofka oo doonaya in uu miisaanka iska rido, laakiin marka uu labada toddobaad jimicsiyo sameeyo ee uu hore natiijo qanciso u arki waayo in uu iska seexdo laba sano oo bilaa jimicsi ah.

Riyo iyo hiigsi fog lahoow, inta aanad ka shaqayn ku guulaysigeedana marka hore nafta u sheeg xaqiiqada ah in guusha gaadhisteedu ay mararka qaarkood tobannaan sano qaadato, ama guushii aad gaadhay aanay adiga iyo jiilkaagu dareemin, balse jiilal dambe garwaaqsadaan in aad guul gaadhay.

Waxa se muhiim ah in aad waqtiga la shaqayso oo hawsha aad qabanaysaa ay noqoto mid aad waqti ku salaysay, ha ka fikirin natiijada raagaysa iyo in guusha gaadhisteedu waqti dheer kugu qaadanayso, balse ka fikir in waqti kasta oo aad dib dhacaa uu sii durkinayo gaadhista guusha, ama luminayo gebi ahaanteedba. Waqtiga ha sugin ee la baratan.

  1. Wax aad xiisaynayso ka shaqee

Inta aad ku jirto hayaanka guusha aad ku hiigsanayso, waa hubaal in ay kula kulmi doonaan guuldarrooyin iyo turaanturrooyin kala duwani. Laakiin mar kasta oo ay kaa hor yimaaddaan caqabadahaasi waa in aad ogaataa in hawshii aanay weli kaa dhammaan, xitaa maba aad bilaabin hawshii kuu taallay.

Marka uu qofku hawl ku guuldarraysto waa in uu is weydiiyo in hawsha uu guusha ka doonayaa ay tahay mid marka horeba uu xiisaheeda leeyahay.

Madaxweyne Obama oo mar uu jaamacad hadal ka jeedinayey khudbaddiisa ku soo qaaday sida ay u kala duwan yihiin in qofku guul gaadho iyo guul-darrooyinka ama hagardaamooyinka iyo caqabadaha uu la kulmayo inta uu jidka guusha sii hayo. Iyo sida ay u fiican tahay in qofku haddii uu hal hawl ku guuldarraysto uu tijaabiyo hawlo kale oo uu guusha ka raadiyo.

Waxa uu tusaale u soo qaatay dad guulo waaweyn ku galay taariikhda, laakiin guusha ka hor soo maray hawlo ay fashilaad kala kulmeen. Waxa keliya ee guusha labaad u suurtageliyeyna ay tahay in guuldarradaas hore aanay ku niyadjabin iyo in ay hawshii hore uga wareegeen dhinac kale iyaga oo ka fikiraya in ay jirto hawl kale oo ay ku fiicnaan karaan.

Waxaa ka mid ahaa Thomas Paine oo ahaa kacaanyahan, qoraa, iyo mufakir Maraykan ah oo calanka u siday faylasuufyadii casrigii ilayska ee dalka Maraykanka. Laakiin magacan iyo guushan ka hor waxa uu soo noqday dawaarle / Harqaanle fashilmay, bare dugsi oo fashilmay, iyo xitaa cashuur ururiye fashilmay.

Winston Churchill waxa uu ahaa raysalwasaare guulo badan u soo hooyey dalka Ingiriiska, waa hoggaamiyihii boqortooyada Ingiriiska ku hoggaamiyey guushkii dagaalkii labaad ee adduunka. Laakiin xilkan ka hor,  waxaa laga eryey xil wasiirnimo iyada oo loo arkayey qof aan waxba qaban karin, waxaa laga reebay golihii maamilista dagaalkii labaad ee adduunka u qaabilsanaa Ingiriiska, waxaa laga fogeeyey arrimaha maamulka dagaalka iyo xogtiisa. Illaa heer guuldarrooyinka uu la kulmayey ay gaadheen in xaaskiisu ay mar dambe sheegto in ay uga baqan jirtay in uu murugada guuldarrada awgeed u dhinto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here