Suldaan Cado-Gudde Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamadii Ay La Soo Yeesheen Col. Caare Oo Ay Madaxweyne Biixi La Sugayaan

0
774

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Garxajis  Suldaan Axmed Cismaan Cadde Gudde, ayaa sheegay inay talo iyo arrin wanaagsan isla soo meeldhigeen jabhadda Col. Caare oo ay muddo wada hadal kula soo jireen.

Guddoomiyaha Guddida Garxajis  Suldaan Axmed Cismaan Cadde Gudde,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in natiijada wada hadalkii ay Caare la soo yeesheen la sugayaan Madaxweyne Biixi oo hadda ku maqan xajka, waxaanu ugu horayn isagoo safarkiisa ka hadlaya uu yidhi  “Safar ayaanu ugu baxnay Gobolada Barri, gaar ahaan Gobolka Sanaag, bishii hore badhtankeedii, safarkaasi muddo dhawr iyo laabataan cisho ah ayuu nagu qaatay, wada hadal iyo wada tashi kadib waxaanu ninkaas Sarkaalka ah ee la yidhaahdo Siciid Nuur Jaamac iyo jabhadiisaba wada gaadhnay is af garad, is fahan iyo arin aad iyo aad u wanaagsan, taas oo nuxurkeedu yahay in wax kasta oo la kala tabanayo ama la kala tirsanayo in lagu dhammeeyo wada hadal iyo is fahan, arintaas ayaanu isla qaaday, waa arin weyn, oo umadda oo dhami rajaynayso in Is fahan iyo wada hadal ku dhammaato, si fiican ayaana la iskula soo fahmay, arimahaas markii aanu isla soo qaadanay, waxay noqotay in aanu iskula soo dhaadhacno Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa, arintaas aanu iskula soo fahanayna si aanu ugu soo gudbino cidda ay khuseeyso oo ah Xukuumadda maanta jirta iyo Madaxweynaha, intii aanan halkan iman ayuu Madaxweynuhu u baxay Xajka, imikana isaga ayaa la sugayaa, waxaana filayaa inay si khayr qabta ay inoogu dhammaan doonto, Madaxweynuhuna uu ku qanci doono”.

Suldaanka ayaa intaas raaciyay in la sugayo madaxweynaha waxaanu yidhi “Madaxweynaha ayaa la sugayaa, halkaas wax ka qaydhin  oo xumaana haba yaraate kuma ogi, inay xumaato iyo inay samaataba Madaxweynaha ayey ku xidhan tahay, wax kasta oo dalka ka jira waxay ku xidhan tahay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba, waxaana Shacabka reer Somaliland u caddaynayaa inaan halkaas wanaag ka keenay, haddii wanaag arintan lagu dhammeeyana wanaag bay ku dhammaanaysa,oo Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ayaa ku xidhan tahay, waxaana ILLLAAHAY ka rajaynayaa inuu waafajiyo  sida xaqa ah ee wanaagsan, ee dalka iyo dadkaba dan u ah,haddii ay wax hagaagana waa sida loo baahan yahay, wax uu Madaxweynuhu ka dhego adaygi karo oo xumaana oo qodobada dhammaantood ku jira ma jiraan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here