Xeerarka Guusha Ee Baraka Obama (Q: 1aad)

0
1051

Washington (Geeska)- Guushu waa hiigsiga uu aadamaha oo dhami ku riyoodo in uu gaadho, waxa se ay dadku ku kala duwan yihiin dadaalka iyo shaqada ay geliyaan gaadhitaanka guushaas ay hiigsanayaan. Waxaana suurtagal ah in hannaanka ay u maraan iyo halganka ay u galaan ay yihiin sababaha ugu muhiimsan ee ay ugu kala duwan yihiin gaadhista guushaas.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qodobbo laga ururiyey hadallo kala duwan oo uu madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama jeediyey marar uu ka hadlayey fureyaasha guusha iyo jawaabo uu ka bixiyey waxa u suurtageliyey guulaha uu gaadhay oo ka soo bilowday iska dhal madow ah, aabihii aanu Maraykanka ku dhalan ku dhaqnayn, soo maray nolol dib jirnimo iyo saboolnimo, laakiin ku dambeeyey in uu noqdo mid ka mid ah madaxweyneyaashii loogu jeclaa ee soo mara dalka Maraykanka:

  1. Kubadda hore u wad

Hore ayaa in badan loogu celceliyey in qofka guushaa gaadhaa uu yahay kan aan ku joogsan caqabadaha iyo turaanturrooyinka ka hor yimaadda inta uu ku jiro geeddiga guusha. Caqabad kasta cashar ka barro horena uga soco. Waxa ay la mid tahay kubadda cagta ee ciyaartoygu uu ku qasban yahay in iska caabbin, turaanturro iyo dib u riixis kasta oo ku timaadda, haddana uu awooddiisa isugu geeyo in uu kubadda kula sii ordo goolka ka soo horjeeda.

‘Kubadda hore u wad’ waa hal-ku-dheg uu Barak Obama lahaa, tan iyo markii uu ahaa abaabule bulsho oo ka hawlgala Chicago, ka hor intii aanu qaadanba shahaadadiisii jaamacadeed oo sharciga ahayd.

  1. Mar kasta rajo-qab

“Malayso, ama sawiro kaddibna u dagaallan sidii aad u gaadhi lahayd, kaddibna ku shaqee.. laakiin bilowgaba ha u arkin wax gaadhistiisu aanay suurtagal ahayn.. hoggaamintu waa sidaas” ayaa uu yidhi Barak Obama oo qodobkan sharraxayey, isaga oo intaas ku daray in aanay sax ahayn in qofku inta uu dayaxa eego uu yidhaahdo, aad buu u fogyahay, kaddibna halkaas kaga hadho. Balse uu aamino in rajada xitaa teeda aadka u fog la gaadhi karo. Waxa uu sheegay in fashilaad ay tahay in qofku inta uu hawsha dusha ka qiimeeyo kaddibna aamino in aan la gaadhi karin dadkana u sheego in ay halkaas kaga hadhaan riyadaas ama rejadaas.

Barak Obama waxa uu sheegay in jiil kasta noloshiisa uu ku jir waqti ay rejo yar oo oo uu qabay ay rumowday.

Rejo dhiggu waa seeska ay guuldarradu ka bilaabato, haddii aad hiigsi leedahay waa in aad mar kasta ka rejo qabto in aad gaadhayso. Sida ka muuqata buugga uu Barak Obama qoray ee ‘Audacity of hope’ qofku marka uu qabo rejo u sheegaysa in uu gaadhayo halka uu u socdo, wax kasta oo ka sokeeyaa uma muuqdo, waana sababta uu u sheegayo in rejo qabku uu ‘Indho-adkaan’ badan leeyahay.

Rejadaas ayuu kaga soo gudbay marxaladihii kala duwanaa ee noloshiisu ay soo martay, markii uu ka shaqayn jiray u dhaqdhaqaaqista xuquuqda rayidka, markii uu ahaa xeerilaaliyaha xuquuqda madaniga ah, iyo markii uu jaamacadda Chicago ka ahaa bare dhiga sharciga dastuuriga ah intii u dhexeysay sannadihii 1992 illaa 2004.

  1. Ha is dhigan

Waxaa marar bdan dhacda in qofku uu aqbalo ama aamino fahamka uu shayga ka qaatay in uu saxan yahay, isaga oo aan tijaabo iyo marag caddaynaya midna baadhin. Tusaale ahaan in uu iska aamino in aanay suurtagal ahayn uu madaxweyne noqdo, in uu qoraa noqdo in uu maalqabeen noqdo iwm. Iska aaministaasi waxa ay abuurtaa is dhigasho, waxa aanay caqabad ku noqotaa horumarka iyo dadaalka uu qofku samayn lahaa. Waxa ay xannibtaa naf-hurkii uu qofku u samayn lahaa in uu gaadho bartilmaameedkiisa.

Qeex bartilmaameedkaaga aad guusha ku rabto, baro jidadka ay tahay in aad u marto, kaddib maskax, iyo waqti u hur in aad gaadho, adiga oo ka taxaddaraya in aad bartilmaameedyo kala duwan iyo hiigsiyo kala nooc ah yeelato.

Obama waxaa ka go’nayd in uu guul ka gaadho siyaasadda, ka soo bilow markuu u dhaqdhaqaaqayey arrimaha bulshada, markii uu xuquuqda rayidka ka shaqaynayey, markii uu golaha sharci dejinta ee gobalka ku jiray iyo markii u dambaysay ee uu golaha odayaasha ee Maraykanka ugu jiray gobalkiisa. Waana markaas u dambaysa marka guushii uu golaha ku soo galay iyo hawlkarnimadiisuba sumcadda iyo magaca ka heleen dunida. Mar kasta halka uu ku socdaa way u caddayd, meel kalana indhihiisu uma ay hanqal taagayn.

  1. Far keliyi fool ma dhaqdo

Diric keli ahaantii .. Daleel guusha kama helo, .. Dadkaa geesi lagu yahay.. ~Duncarbeed.

In samaysato dad kula qabta hawsha kuu taallaa waa garabaha ugu fudud ee aad ugu duuli karto guusha aad hiigsanayso.

Waa been in qofku guusha uu gaadhayaa ay tahay mid isaga dadaalkiisa oo keliya ku timi, waxaa jira sababo dadaalka ka horreeyey oo halkan soo gaadhsiiyey, sida korniinkii iyo waxbarashadii oo mahaddeeda ay leeyihiin dadkii maalgeliyey oo waalidku ugu horreeyey. Marka uu qofku hayaanka guusha bilaabo waxaa jira dad ku garab taagan, xaas iyo carruur waqtigii uu siin lahaa hawshu qaadatay oo dulqaad iyo dhiirrigelin ku qaabilay. Marka aad hawsha gudo gashana waxaa jira koox ku hareera taagan oo aanad ka maarmayn, saaxiib baa ka mid ah inta hawsha gudaheeda kugula jirto ayaan dadaalkooda la dhayalsan karin.

  1. Ha sadqayn wax ka weyn waxa aad doonayso

Marar badan ayaa ay dhacaysaa in hiigsiga aad leedahay iyo halka aad u socotaa kaaga xidhmaan in aad sadqayso karmaadaada, ballan oofintaada, in aad sadqayso qiyamkaaga iyo mabaadii’daada. Waxa ay u badan tahay mararka aad siyaasadda u socoto, xilalka iyo guusha doorashooyinka marka aad u ordayso, oo ay siyaasiyiin badan ku kallifto in ay tuuraan danta guud iyo in ay k uwacad furaan dadka ay sheegayaan in ay metelaan.

Ha ka fikirin guusha adiga oo aan ka fikirayn mabaadii’daada ay tahay in aad dhowrto, ha gelin isku dayo aad ku khamaarayso sharaftaada. Waxaa xaqiiq ah in hoggaamiyeyaasha iyo ganacsatada guulaystay ee aynu sida xiddigaha u daawanaa kuma yimaaddaan maalgashi shakhsi ah oo ay isku sameeyeen iyo dadka oo ay ku qanciyeen qofka ay yihiin. Laakiin waa natiijo ka dhalatay ujeedo weyn oo ay lahaayeen oo u rumowday, waa guul ka dhalatay horumar ay sameeyeen oo looga marag kacay. waa waxsoosaar tayo leh oo ay sameeyeen, waa wacad oofin ay u sameeyeen shaqaalahooda, macaamiishooda, saamileydooda iyo bulshada oo dhan. Waa wanaag isu tagay oo dhinacyo kala duwan uga marag kaceen.

Waxaa marar badan dhacda in qofku uu ku istaago meel ka sokeysa hiigsigiisa, kaddib marka halka uu markaas marayo uu guul ku gaadho, isaga oo aaminaya in inta uu hayaa ay tahay intii uu u baahnaa.

Si kasta oo aad guul iyo magac ama maal u hesho, marna ha ku hakan meel ka sokeysa halkii uu hiigsigaagu ahaa.

  1. Cudur-daarka joojis

Waxaa in badan dhacda in qofku uu ka wahsado qabashada hawlaha ka xiga gaadhista guusha, isaga oo naftiisa u samaynaya marmarsiinye. Tusaale ahaan in hawsha aanu waqti u ahayn, in xaaladda uu markaas ku jiro ee maaliyadeed ama caafimaad u saamaxayn iyo in hawlo ka muhiimsani ay u yaallaan, in sannadkan uu dib uga dhigo qabashada hawshaas iwm.

Gaabis kasta oo naftaada ka yimaadda ku canaano oo runta u sheeg in ay ku qaldantahay qaban kari waaga hawshaas u taallay, si kasta oo laga yaabo in aad cudur-daarro niyadda ugu hayso, ama aad u ogtahay arrimo caqabad kugu noqday, oo aad is tidhi kama gudbi kartid. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here