Wararkii U Dambeeyay Ee Dedaalkii Odayaasha Dhaqanku Ay Doonayeen Inay Ku Soo Afjaraan Arrinta Col. Caare Iyo Jabhadiisa

0
961

Hargeysa(Geeska)-Waxa aan weli si rasmi ah loogu guulaysan dhammaystirka dedaalo ay wadeen odayaal ka tirsan madaxda dhaqanka ee Beelaha Garxajis oo la doonayay in lagu soo afjaro jabhadda uu horkacayo Col. Caare ee ku sugan deegaano ka tirsan gobalka Sanaag.

Salaadiin, odayaal iyo waxgarad ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa gobalka Sanaag si ay u soo afjaraan xurgufta u dhaxaysa xukuumadda Somaliland iyo sarkaalka hore uga tirsanaa ciidanka qaranka ee hadda jabhadda samaystay Col. Caare.

Odayaasha ayaa waxay kulamo la yeesheen Col. Caare oo ay ugu tageen deegaanada uu joogo.  Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in la isla meel dhigay dhammaan qodobada sababaya in la soo afjaro arrintaas, marka laga reebo mustaqbalka Col. Caare sida uu noqon doono.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xukuumadu doonayso in Col. Caare dalka dibadiisa u baxo, ka dibna uu soo dalbado cafis, markaas ka dibna isagoo dalka dibadiisa jooga loo fidin doono cafis Madaxweyne. Laakiin Col. Caare ayaa la sheegay inuu doonayo inaanu dalka dibadda uga bixin ee arrimihiisa la dhammaystiro isagoo gudaha dalka jooga. Ma jiro wax war ah oo ay xukuumada iyo Col. Caare toona ku xaqiijiyeen wararkan.

Salaadiin uu ka mid yahay Suldaan Maxamed Xirsi Qani ayaa weli ku sugan gobalka Sanaag, waxase Hargeysa ku soo noqday qaar ka mid ah odayaashii hawsha ku jiray.

Waxase weli socda dedaalada, waxaana odayaasha hawshan kula jira badhasaabka gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (tiimbaro).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here