Xeeladaha Ugu Fiican Ee Aad Maaska Samayska Ah Kaga Garan Karto Ka Dabiiciga Ah (Qaybta:1aad)

0
673

1Hargeysa (Geeska)-Maasku waxa uu waxa uu ka mid yahay walxaha ugu qaalisan dunida ee laga sameeyo kabaha, dharka iyo alaabooyin badan oo lagu xaragoodo sida shandadaha gacanta lagu qaato. Waxa se’ muddooyinkan dambe aad u soo baxaya cabashada la xidhiidha tayada maaska ay warshaduhu isticmaalaan iyo ta ka sii daran oo ah walxo maas loo ekeysiiyey oo la isticmaalo si dadka loogu qaldo. Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa aynu ku eegaynaa xeelado qofku ku hubin karo in shayga laga iibinayaa uu ka samaysan yahay maas run ah.

– Urta: Maaska asalka ahi waa ay awood badan tahay, halka maaska samayska ah urtiisu tahay mid laga dareemayo in wax ku badhxan yihiin.

– Taabashada: Maaska runta ahi waa qallafan iyo in aanu sida  xariir ahayn marka la taabto oo kala dhaadheeri laga dareemo, halka maaska samayskaahi uu ka yahay xariir, jileec ku jiro.

– Adayga: Maaska samayska ah haddii la kala yara jiido, waxa uu u muuqdaa in uu sida rabadhka kala baxayo, in kasta oo ay tahay in yar oo u fiirsi uun lagu dareemi karo, laakiin maaska runta ahi waa adayg aan kala jiidmin.

– Gubis: Inta badan kabaha, shandadaha iyo dharka maaska ah waxaa ka lusha ama la socda gobal aad u yar oo maas ah, waxa aad u adeegsan kartaa tijaabo. Haddii maaska asalka ah aad olol yar ku qabato sida kabriid / Leetar, waxa aad arkaysaa in aanu gubanayn, laakiin maaska samayska ah dabku si dhaqso ah ayaa uu u qabsadaa. Waxaa intaas dheer in maaska asalka ahi marka uu gubto uu samaynayo ur aan fiicnayn, oo u yara eeg urta timo gubtay.