Xasan Sheekh Oo Meesha Ka Saaray Inay Wasiiradii Hore Ku Soo Noqdaan Xukuumada Cusub

0
755

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saaray in raysalwasaaraha cusub Mr. Cabdiweli Maxamed Sheekh uu dib u soo magacaabi doono wasiiradii ku jiray dawladii hore ee Cabdi Faarax Saacid.

Xasan Sheekh Maxamud, oo habeen hore waraysi gaar ah siiyay Telefishanka afka dawladiisa ku hadla, wuxuu sheegay in haddii la soo celinayo wasiiradii hore aan la bedeleen raysalwasaarihii hore iyo xukuumadiisaba, “Haddii xukuumaddii hore la sooc elinaayo iyada oo sideedi ah haddee iyada ayaa la iska haysan lahaa, waxaan rajeynayaa in xukuumaddan cusub ay si weyn uga beddelnaan doonto tii hore, xagga tayada, iyo tiradaba.”

Isagoo ka hadlaya Raysalwasaaraha cusub iyo awoodiisa dhismaha xukuumadda, wuxuu yidhi “waxaan Raysalwasaaraha siiyey kalsooni buuxda waana ku maqanyahay dhismaha xukuumadda, Baarlamaankuna sidaas oo kale ayu ku kalsoonaadey.”

Madaxweynaha Somaliya oo wax laga weydiiyay wada hadalada ay dawladiisu kula jirto dawladda Somaliland oo dhawr goor uu dib u dhac ku yimid ayaa yidhi, “Wadahadalladaasi si toos ah iyo sii dadban labadaba way u socdaan, dhawaan bishan January dhexdeedana mar kale ayaa Istanbul la isugu tegayaa, meeshii ay joogtayna waa laga sii ambo-qaadayaa, in guulo badani ka dhashaanna waannu rejaynaynaa oo wax badan la isku afgarto, Haddii Alle yidhaahdo.”

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa kale oo uu ka hadlay doorashada 8 January ka dhacaysa Puntland, waxaanu u rajeeyay inay nabadgelyo ku dhammaato.