“Sanadkan Ina Dhaafay Ilaa 1997 Markii Cigaal La Doortay Waxa Uu Ahaa Sanadkii Ugu Nidaamka Xumaa Ee Ina Soo Mara, Sanadkii Is Dhex Yaaca Beenta & Boobka”

0
787

faysoHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hambalyeeyay sanadka cusub shacbi weynaha Somaliland, waxaanu ku tilmaamay sanadkii ina soo dhaafay inuu Somaliland u ahaa sanadkii is dhexyaaca iyo nidaam xumada, isaga oo rajeeyay in sanadkan cusubi dalka u fiicnaan doono.

Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiye Fasyal Cali Waraabe, waraysi gaar ah oo uu siiyay isaga oo ku sugan Dubai wargeyska Geeska Afrika, Waxaana ugu horayntii isaga oo hanbalyaynaaya dadka reer Somaliland uu yidhi “Hanbalyo ayaan leeyahay shacbi weynaha reer Somaliland, Allena waxaan ka baryayaa inuu inooga dhigo sanadkan soo socda mid barwaaqo,nabad iyo inaga oo ictiraafkeenii helnay inuu Alle ina gaadhsiiyo, oo sanadkan soo socdaana inoo noqdo mid dadkeena mideeya, oo waxii dhibaato ah ee taagana inoo sahlo,sidaas ayaan Alle ka baryaynaa.”

Guddoomiye Faysal oo ka hadlaaya sida uu u arko sanadkii ina dhaafay 2013-ka iyo Somaliland waxa uu yidhi“Sanadkan ina dhaafay ilaa 1997 markii labaad ee la doortay madaxweyne Cigaal waxa uu ahaa sanadkii ugu nidaamka xumaa ee ina soo mara,Sanadkii is dhex yaaca, beenta iyo boobka ayuu ahaa, waxaan Alle inooga baryayaa inuu sanadkan inoogu badalaa sanad wanaagsan oo aan ka soo kabano dhibaatadii sanadkaas inagu dhacday oo aynu odhan karno taariikhda Somaliland baal xun ayay ka galaysaa,waliba sanadkan 2013-ka lixdii bilood ee ugu danbaysay.”

Ugu danbayntii Guddoomiye Faysal oo sanadkan cusub waxa uu ka rajaynaayo ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Sanadkan soo scoda waxaanu rajaynaynaa in dooda aanu qabanaynaa ay bog cusub inoo furi doonto dhibaatooyinkii dalkeena ka taagnaa iyo dibu-dhaciina in aynu xal u heli doono, dadkeena midayn doono Somaliland cusub oo midaysan cadaaladna ku dhisan oo eex iyo musuq ka maqan yahay in sanadkan iyo dooduba ay inoo horseedo, xoogeenana aynu doodaas isugu gayn doono in ay ka soo baxaan go’aamo wax tar ah, waayo dalkii waa uu ka tagay dawladnimo iyo hab qaranimo oo waxa uu u jiitay is dhex yaac inuu Alle is dhex yaacaas inaga saaro ayaynu rajaynaynaa.”