Carwadii Lixaad Ee Ganacsiga Somaliland Oo La Furay

0
588

Picture1Hargeysa(Geeska)-Carwadii 6-aad Ee Ganacsiga Somaliland Ayaa si rasmi ah uga furantay hoteelka Guuleed ee magaaladda Hargeysa, iyada oo uu xadhiga ka jaray madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici.

Munaasibada loo sameeyey Furitaanka Carwadan waxa ku wehelinaayay madaxwayne Ku Xigeenka , Wasiiro, Aqoonyahan Iyo masuuliyiinta shirkadaha ganacsiga iyo marti sharaf kale.Carwadan waxa ka soo qaybgalay ugu yaraan boqol shirkadood oo isgu jira kuwo yar yar iyo kuwo waaweyn.

Ugu Horen Waxa Halkaasi Ka Hadlay Cali Cumar Guuleed oo ah mulkiilaha hoteelka Guuleed,  “Dhamaan waxaan marka hore Halkan kusoo dhaweynayaa masuuliyiinta uu hor kacayo madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylci, Intaas ka dib Waxaan Idinku Soo dhawaynayaa dhamaantiin Carwada 6-aad oo maanta Sanadkii Cusbaa ku soo  beegantay.Waxaan soo dhawaynayaa  shirkadaha dalka udub dhexaadka u ah kuwaas oo Kala Ah, SBI,

Dahabshiil,Telesom,Xarbi Group Iyo In kale Oo Badan.”

Sidoo kale waxa iyaguna  halkaas ka hadlay dhamaan masuuliyiinta ka kala socday shirkadaha waaweyn oo sheegay in ay bulshada sanadka cusub  ka haqab tiri doonaan adeegyada cusub ee ay ugu talo galeen  kuwaas oo noqon doono kuwa qanciya.

Marwo Edna  Aadan Ismaaciil ayaa iyaduna halkaas ka soo jeedisay dardaarano ku waajahan dhalinyarada iyo sidii ay u baran lahaayeen xirfadaha kala duwan ee shaqooyinka, waxaanay sheegtay in cisbitaalkeedu uu Carwada ku soo kordhiyay baadhitaano bilaasha ah oo u badan macaanka iyo dhiig-karka.

Waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri Jaamac waxaan uu sheegay in ay rugta ganacsiga hawlo badan usoo martay sidii ay u hirgalin lahayd qabsoomida carwadan lixaad oo uu xusay in ay dhawr jeer dib u dhac ku yimi isla markaana ay la sugayeen in ay ku beeganto sannadka cusub.

Gabagabadii Carwada Lixaad ee Somaliland waxa furay Madaxweyne  Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo halkaas ka jeediyay hadalo.