Xasan Guure Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Soo Daynta Fanaaniinta

0
520

Picture9Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa Xukuumadda ku canbaarayey xadhigii Fanaanta Xiddigaha Geeska ee Xamar tagay, waxaanu sheegay in aanay Fanaantu ahayn Siyaasiyiin, Xamarna u tageen oo qudha bandhig iyo inay ka soo heesaan, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan u soo dayso.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa  ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Dhalinyarada fanaaniinta ah ee Xiddigaha Geeska ee tagay Xamar,Siyaasiyiin maaha, siyaasada Somaliland ma matali karaan, bandhig ayey ku soo dhigayeen, oo way ka soo heeseen, Gabayga, Heesaha iyo Aqoontu xad ma leh, oo sida aynu aragno munaasibada iyo Xafladaha ay Somaliland Dibadaha ku dhigato, waxa ka heesa ama ka gabya Fanaaniin badan oo ka soo jeeda Somaliya, waxa kale oo jira Rag badan oo ganacsi ka dhex wada Somaliland iyo Somaliya, waxa kale oo jira Xafiisyo badan iyo Shirkado badan oo labada dhinacba ka jira, markaas inta la siyaasadaynayo Fanaaniinta dhalinyarada ah maxa kuwaasba loo siyaasadayn waayey”.

Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure Jaamac ayaa isaga oo Xukuumadda u diraya baaq ku saabsan soo daynta Fanaaniinta waxa uu yidhi “Xukuumadda waxa aan ka codsanayaa inay soo dayso oo xoriyadoodii dib ugu soo celiso Dhalinyarada fanaaniinta  ah ee xidhan walibana sida ugu dhaksaha badan inay u soo dayso, mana haboona inay meel kasta wax ka daydo,”