“Xukuumadda Cid Uga Wanaagsan Gacan Ku Haynta Haamaha Ma Jirto”

0
583

Picture8Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Cismaan Shaadh oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa Xukuumadda u soo jeediyey talo ah inay gacanta ku hayso Haamaha Shidaalka, waxaanu tilmaamay in cid Xukuumadda ugu wanaagsan gacan ku haynta Haamuhu aanay jirin, balse waxa uu kula taliyey inay aad uga fiirsato cida ay ku wareejinayso  haddii ay go’aan ku gaadho inay cid gaar ah ku wareejiso, waxaanu ugu baaqay inay ku xidho Shuruudo ah inay dayac tir iyo dib u dhis ku sameeyaan Haamaha hadba cid lagu wareejinayo iyo in lacag dhigaal ah laga sii qaado, heshiis adagna lala galo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Cismaan Shaadh oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa  sidoo kale ka hadlay heshiiskii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiskaas, waxaanu kula taliyey in hadba wixii khilaaf ah ee soo kala dhex gala inay dhexdooda ka dhamaystaan,ugu horeyna waa uu hadalkiisi ku bilaabay sidan“Xukuumadda cid uga wanaagsan gacan ku haynta Haamaha ma jirto, laakiin haddii ay go’aansatay inay cid ku wareejiso, waa inay  ka firsataa cid lagu wareejinayo, oo ay noqdaan  dad masuul ah, Shidaaluun ku shub maahe, waa in lagu xidhaa shuruud,lala galaana heshiis oo ay Xukuumaddu ku amartaa inay dib u dhis iyo dayac tir ku sameeyaan Haamaha Shidaalka, lacag dhigaal ahna la sii qaado.

Shan Haamood oo qudha ayaa hadda hagaagsan inta kale wey xun yihiin, waaxaana hubaal ah in haddii inta kale la hagaajiyo in Shidaalku badan lahaa jabi lahaana, Xukuumaddihii horeba wey kireeyeen Haamaha, Xukuumaddana xaq ayey u leedahay inay kirayso, oo iyada ayaa loo igmaday, masuulna ka ah dalka”.

Xildhibaan Shaadh ayaa mar uu ka hadlaayey heshiiskii Shirgudoonka Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Sharaf iyo wanaag ayaan u arkaa inay heshiyaan Cabdiraxmaan iyo Baashe, oo waliba iyagu dhexdooda ka heshiiyaan, in hadba wixi ay isku garan waayeen ee khilaaf ah ee soo kala dhex gala inay dhexdooda ka xaliyaan oo gudahooda ka dhamaystaan ayaan kula talinaya”