Madaxweyne Siilaanyo Oo Odayaal Kala Taageersan Maxamed Biixi Iyo Muuse Biixi U Balan Qaaday Inuu Dhex U Noqon Doono

0
508

Picture10Hargeysa(Geeska)-Ka dib markii ay habeenimadii Axadu soo galaysay ee toddobaadkan ay Madaxweyne Siilaanyo la kulmeen laba garab oo kala taageersan Maxamed Biixi Yoonis iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa wuxuu Madaxweyne Siilaanyo labada garaba u cadeeyay inuu dhex u yahay dhammaan tartamayaasha.

Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inay kulanka ku wehelisay marwadiisu, ayaa waxa uu labadii garab ee la kulmay u balan qaaday  una cadeeyay  inuu dhex ka noqon doono shirka golaha dhexe ee KULMIYE iyo musharixiinta ku tartamaysaba si uu sidoo kale u ilaaliyo taariikhdiisa.  Wuxuuna ku celceliyay inaanu jirin musharax uu garabka saari doonaa.

Wuxuu kaloo odayaasha; Madaxweyne Siilaanyo kula dardaarmay inay dejiyaan xaaladda kacsan ee siyaasadeed oo uu ka digay inay saamayn ku yeelan karto qaranka maadaama oo uu KULMIYE wakhtigan hayo hoggaanka wadanka.

Labada garab ayaa ka kala socday guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo uu ka dhexeeyo loolanka musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE.