Xasan Daahir Aweys Oo Xalay Ka Degay Muqdisho

0
653

Picture5Muqdisho(Geeska)-Xasan Daahir Aweys, oo ka mid ahaa madaxda kooxda Al-Shabaab ayaa xalay gaadhay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, ka dib markii uu shalay galab ka tagay magaalada cadaado oo uu magangelyo ahaan u tagay  markii uu ka baxsaday kooxda Al-Shabaab.

 

Xasan Aweys, oo ay Cadaado kulamo kula yeesheen xildhibaano iyo odayaal dhaqameed uu u soo diray Madaxweynaha Somaliya, ayaa ugu dambayn shalay ku qanciyay inuu isu dhiibo dawladda Somaliya. Idaacadda Muqdisho ee ay maamusho dawladda Somaliya ayaa xalay cawayskii baahisay inuu Muqdisho gaadhay Xasan Aweys, waxaanay idaacadu sheegtay inay Aweys la wareegeen Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dawladda Somaliya.

Xasan Daahir Aweys, ayaa u baxsaday deegaanka Cadaado ee maamulka ximan iyo Xeeb, ka dib markii uu doono kaga baxsaday magaalada Baraawe ee Somaliya oo ay isku khilaafeen Al-Shabaab oo uu ka tirsanaa.