“Haddii Maanta La Iga Filayay Inaan Matago Oo Sidii Nin Cadhaysan U Hadlo, Ciddii Intaas Iga Sugaysay Raali Ha……”

1
3974

Picture6Hargeys(Geeska)-Wasiirka cusub ee arimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cade,ayaa si rasimi ah xilkii wasaarada arimaha  gudaha ugala wareegay wasiirkii hore Maxamed Nuur Caraale (Duur).

 

Munaasabadan xil wareejinta ahayd  ayaa ka dhacday gudaha wasaarada arimaha gudaha waxaana ka soo xaadiray masuuuliyiin iyo hawl wadeeno u badan dhanka amaanka iyo shaqaalaha wasaaradaas. Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur),ayaa munaasabadan xil wareejinta ah ka jeediyay khudbad dareenka taabatay waxa uu ka waramay waayaha uu kala kulmay wasaarada intuu xilka hayay iyo wax yaabahii uu ka dhaxlay, heerka qabyaalada oo uu ku tilmaamay mid ay doorashooyinkii dib u cariyeen,waxa uu si waafi ah uga hadlay amniga iyo ilaalintiisu sida ay muhiim u tahay,isaga oo ugu danbayntii madaxweynaha uga mahadceliyay xilka uu ku tijaabiyay.  

Wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cade,ayaa isaguna dhankiisa balan qaaday inuu cadaalad iyo sinaan dadka reer Somaliland ugu shaqayn doono,isla markaasna uu abuuri doono is kaashi muwaadiniinta u sahlaya wada shaqayn,xoojinta amniga,ka hor taga tahriibka iyo hagaajinta bilicda magaalooyinka waaweyn gaar ahaan caasimada.

Ugu horaynti wasiirkii hore ee arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “Wax baa noo qabsoomay oo wada jir iyo isku duubni ayay wax noogu qabsoomeen. Himilo ayaanu lahayn oo aanu hiigsanaynay in halkii laga qaado oo la sii wado ayay u baahan tahay. Haddii aanu wax ka gaabinayna waxa masuulka cusub Madaxweynuhu u doortay inuu dar-dar geliyo oo uu halkii ka sii qaado,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Daakhiligu.

Wasiir Duur waxa uu sheegay in wasaaradaas mudadii uu Wasiirka ka ahaa ay ku soo mareen duruufo kala gedisan oo uu wax ka bartay isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waayo ayaa igu soo maray Wasaaradan adag oo duruus iyo cibro ayaan kala kulmay, casharro ayaan ka bartay, aad ayaan ugu faraxsan nahay duruustaas. Waxay iigu jirtaa baal dahab ah. Dacaladda Somaliland Bari illaa Galbeed ayaan bulshadda degta cid walba hor-fadhiistay anigoo nabad iyo wanaag doonaya. Casharro ayaan ka bartay ii dhaxal noqon doona.Waxay I dhaxal siisay ayaan idiin sheegayaa waxay I dhaxal siisay inaan nabadda dhawro oo nabad dhawre noqdo. Waxay I dhaxal siisay inaan danta dhawro, waxay I dhaxal siisay inaan Masuulka dhawro cid uu yahay-ba. Dantu waa khafiif. Adeegaha danta guudna waxa uu ilaalinayaa wax khafiif ah, markaa waa qof nugul, laakiin qofka tuuraya ee shiidaya danta guud ee dhaawacayaa ma oga nugulka ay danta guud tahay.Dantu waa quraarad oo way jabaysaa oo waxay u baahan tahay in la dhawro, qaranka Somaliland-na waa qaran daciif ah oo dhawr iyo labaatan sanadood ayuu soo jiray, laakiin wali halkii uu doonayay ma uu gaadhin. Mudadaas dheerna wali waa raad barad, dhaqaaluhuna waa qadhiidh oo wax yar baa wax lagu wadaa.”

 Wasiirkii hore oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Adeegaha danta guudna ee masuuliyadda intaas leeg ilaalinayaa, in loogu duceeyo oo la yidhaahdo ALLE ha kugu asturo mooyee, tuur-tuur uma baahna waxaynu baranay in hadba Tagtaa ay fariidadii tahay, cida joogtaana uu aabihii naarihii yahay. Waxaan idinka codsanayaa in Fariidku ka jooga noqdo oo aanu kii tagay noqon. Waa in farriidka iyo kii taageeradda u baahnaa uu yahay ka jooga uu noqdo.Guul-darada adeegeyaasha danta guud oo ah masuuliyada qaranka, guul-daradoodu waa guul daradda qaranka, fashilkooduna waa fashilka qaranka, ummaddana waxay ka sugayaan taageero, laakiin waxaan qirayaa in shacbiga reer Somaliland ay shacab wanaagsan ahaayeen, khalad waa jiraa, waxyaabo way inagu soo baxeen, duruusi way dhacday, qabyaaladii baa dib u soo kacday, doorashadii baa carisay illaa ciyaarihii bay gaadhay.Waxaan u mahad naqayaa ciidammadda kala duwan ee danta iyo daciifka ku samray. Shalay waxa la iga rabay masuuliyadda amniga qaranka, maantana Anigaa amnigayga gaarka ah xataa u daba fadhiisanaya Cali Waran Cadde (Wasiirka Cusub), culays baa iga degay, waxaan ku faraxsan nahay inaan ku biiro inta nasatay. Madaxweynahana waan uga mahad naqayaa, Waxaan noqonayaa nabad dhawre, waxaan ku biirayaa inta nabadda jecel ee daljiraha ah, waxaan dusha ka ilaalinayaa oo dayr u noqonayaa in danta qaranku guulaysato.Haddii maanta la iga filayay inaan mantago oo sidii nin cadhaysan u hadlo, cidii intaas iga sugaysay raali ha iga ahaato.”

Intaas ka dib wasiirka cusub ee arimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cade,ayaa isaguna dhankiisa khudbadiisii ku bilaabay sidan  “ Xilkan uu madaxweynuu ii igmaday waa xil aad iyo aad u balaadhan oo si toos ah u saamaynaaya bulshada reer Somaliland, waxaanan hakan uga mahad naqayaa madaxweynaha ii gartay xilkaas balaadhan inaan la garab galo oo aan ku gacan qabto oo aan kala shaqeeyo si aan dalkeena ugu hogaamino dhabado daganaan,bash bash iyo barwaaqo ah, waxaanan balan qaadayaa inaan shcabka u adeegaayo oo aan ugu shaqaynaayo  si xilkasnimo,cadaalad iyo sinaan leh, waxaan ka ilaalin doonaa bulshada reer Somaliland wax kasta oo kala fogayn kara sida eexda,qabyaalada iyo nin jecalaysiga.” 

Wasiir Waran-cade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi  “ Waxaynu u baahanahay in aynu dhexdeena ka abuurno jawi is kaashi iyo mid wax wada qabsi oo is aamin ku dheehan yahay si loo helo  shacbi wada jira oo ka qab qaadan kara horumarka dalkooda iyo xaqiijinta himilada qaranka Somaliland oo ah in aynu gaadhno qaran madaxbanaan oo caalamka ka mid ah. Waxaanu dhawri doonaa xoriyatul qawlka hadaanu nahay wasaarada arimaha gudaha Somaliland,waxaanu dhawri doonaa madaxbanaanida saxaafada,waxaanu dhawri doonaa xuquuqul iinsaanka,waxaanu ka hortagi doonaa  dhaqan xumooyinka ay dadka wax magartad ahi wadaan ee ay ku diban daabyeeyaan dadka Somaliland gaar ahaan cudurada habeenkii magaalooyinka waaweyn ku soo baxay ee dhumarka,ciyaalka iyo dadka waaweyn ay dhalinyaro wax ma kasto ahi isku taagaan meelaha madawga ah,in kasta oo aan balan qaadayo inaan ku da’daali doono in Hargeysi ay dhawaan wada ladh noqoto.”

Cali Maxmaed Warancadde ayaa ballan-qaaday inay la shaqayn doonaan madax-dhaqameedka, kuna dedaalayaan shaqo-abuurka iyo joojinta tahriibka, sidoo kalena ay musuq-maasuqa si adag meesha uga saarayaan iyaga oo raacaya hab qarsoon oo lagu ogaado masuulka caadaysta lunsiga hantida ummadda.

Comments are closed.