Hargeysa: Hadhimo-sharafeed Loo Sameeyay Wasiirada Cusub Ee Xukuumada

1
708

Picture4Hargeysa (Geeska) – Inta badan Wasiirrada xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, ayaa shalay ka qayb-galay hadhimo-sharafeed lagu soo dhaweynayey Wasiirrada cusub ee toddobaadkii hore uu Madaxwaynuhu ku soo kordhiyey golihiisa Wasiirrada.

Hadhimo-sharafeedan oo samaysay Beesha Ciidagale, isla-markaana ka dhacday huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa sidoo kale ka qayb-galay Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo marti sharaf kale oo ka soo kala jeeday beelaha kala duwan ee Somaliland.

Madasha hadhimo-sharafeedu ka dhacday oo la isku waydaarsaday weedho kaftan u badnaa, ayaa waxa ugu horeyn hadal ka soo jeediyay Sheekh Xasan Aaden Cumar oo ku hadlayay magaca guddiga martiqaadka samaysay “Haddii aan casuumadan wax ka iftiimiyo, waxaanu is nidhi haddii aad tihiin Saldanadii Somaliland inaad tidhaahdaan (Labadayadii Wasiir/Cukuse iyo Abees) wax idinku filan maaha ama wax la idinka yeelayo maaha, sidaa daraadeed waxaanu casuunay Somaliland, casuumadduna waa Wasiiradii cusbaa, waxaanan leeyahay wasiirrada cusub soo dhawaada”ayuu yidhi Sheekh Xasan Aaden Cumar.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa ciddii xafladda qadandan soo qabanqaabisay xafladdan ay ka muuqato Waddan-nimadu, ciddii soo diyaarisay qadadani waxay ina tusaysaa koritaanka iyo inay doonayso Somaliland oo dhan iyagga oo aan ka fikirin doc iyo raas hoose”

Guddoomiyuhu waxa u hambalyeeyay Wasiirrada cusub ee ku soo biiray golaha xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo “Waxaan hambalyeynayaa Wasiirada cusub, waxa kale oo aan bogaadinayaa wasiirrada xilka wareejiyey, waynuna ku amaanaynaa oo waynu uga mahadnaqaynaa, qarankeenuna wuxuu maanta ku meel-mari karaa inaga oo is jeclaana, wada jirna u qabsana hawlaha qaran-nimadeena”ayuu yidhi.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Ugu horeyn waxaan u mahad-celinayaa cidda casuumadan samaysay, waa arin ku dayasho mudan oo ay tahay in ciddaha kalena ay sidaa oo kale yeelaan”

Wasiir Xaglo-toosiye oo lagu bedalay wasiirkii hore ee Caafimaadka Dr Xuseen Xoog, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu yahay nin reer Dumbuluq ah isla-markaana xilka Wasaarada Caafimaadku aanu ka talaabin biriijka “Midh kaftan ah ayaa ku darayaaye, jagadan aniga la ii Magacaabay waxa hayey saaxiibkay Dr Xuseen Xoog oo reer Dumbuluq ah, aniga oo reer Dumbuluq ahna waa la ii dhiibay, markaa bahashu (Xilka Wasaarada Caafimaadka) biriijka may dhaafin”ayuu yidhi.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland  Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay casuumaddan aadka iyo aadka ugu quruxda badan, ciddii soo qaban-qaabisay ee ka shaqeysayna aad ayay u mahadsan yihiin, markaa malaha waxa ku hoboon (Inaan idhaahdo) ninka na casuumay iyo dadka na casuumi doonnaaba way mahadsan yihiin, waxaan leeyahay boqortooyadii hilaacday oo muuqatay inay iyadu dadka dambaabto, qolada kale ee deegaanka Waran-cadde iyo Muuse Biixi-na waala sugayaa”

Wasiirku wuxuu intaa ku daray “Fariinta waanu qaadaynaynaa oo waxa nagu filan, Madaxwayne labadaa wasiir ayay wacdarahaa ku dhigeene, haddaad u badiso wax badan ayay qaban lahaayeen”ayuu yidhi, balse Wasiirka cusub ee Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo isna ku xigay ayaa isaga oo deba socda hadalka Wasiir Xirsi yidhi “Haddii boqortooyadu casuumaddii samaysay aniga iyo Muuse Biixi-ba waanu iska joogi, waayo idinka ayaa naga wakiil ah”

Hadhimo-sharafeedan oo uu isaguna hadal ka soo jeediyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada shaqada iyo Caddaalada, ayaa waxa gabogabadii ka hadlay wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u mahad-celiyay dadkii sameeyay casuumadda, waxaanu ILAAHAY ka baryey inuu xilka loo dhiibay u fududeeyo guud ahaan masuuliyiinta dawladdaSomaliland “Waxaan leeyahay ILAAHAY ha inagu garab qabto inteena cusub (Xilalka loo dhiibay)”ayuu yidhi.

Hadhimo-sharafeedan, ayaa waxa wasiirrada joogay ka mid ahaa wasiirka cusub ee wasaarrada dib-u-dejinta, wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Shukri Xariir, waxaana halkaasi laga xusay Wasiirka wasaarada deegaanka Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo la sheegay inay casuumadda kaga maqnaatay safar ay ugu maqnayd awgeed.

Comments are closed.