Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Q.7aad

0
724

Ikhwaanku ma Takfiir baa?

Picture2

Ikhwaanku waa Takfiir markii ugu horraysay waxa adeegsan jiray qolyaha diinta ku soo dhuunta ee loo soo carbiyey eedaynta iyo caayidda culimada Muslimiinta ‘Calmaaniyiinta’. Raggaa lagula yaabi maayo inay eray kasta ka yidhaahdaan dhaqdhaqaaqan waayo inta ay ku soo jal qaadanayeen baa intaa ahayd. Dhibtu waxa ay dhacday kolkii wadaaddo ay ku soo biireen qolyihii adeegsan jiray eraygaa.

Jawaabta su’aashaasi iyada oo urursan waxa weeji haddii laga soo helo manhajka uu asaasahoodii Sheekh Banna u dhigay wuxu noqonayaa urur aaminsan fikirkaa. Se haddii la leeyahay hebelo ka mid ah baa aaminsanaa waa gef cad oo loo aanaynayo fikirkan.

Khaalid ina Waliid waakii Rasuulku u diray reerkii ilma Judayma si ay u soo islaamaan, ee eraygu yaqaanay eray ka geddisan ku dhawaqeen, isna uu qoorta ka guray. Warkii kolkii uu maqlay Rasuulku CSW waakii lahaa sidu Bukhaari soo saaray; “Ilaahow bari baan ka ahay waxaa uu Khaalid sameeyey.”

Xadiiskaa laba mid ba waynu u soo qaadanaynaa; in waxqabadkii aan la mahadin ee uu la yimid Khaalid la iska leexiyo oo uu kaligii ku suntanaado. Iyo in isaga laftiisa la iska ururinee khaladkiisaa un loo tilmaamo.

Qof ka mid ah ururka oo qaatay fikirkaasi saamayn maayo dhammaan ururka. Midda kale maanta ururkee ka badbaaday in dadyowga ku jira qaarkood qaataan fikirkaa? Midda labaad Takfiirku ma maanta ayuu bilaabmay maanu awal hore jirin?.

Markii xubnihii Ikhwaanka loo qaybiyey kuwa jeelasha lagu guray iyo qaar la laayey ayaa dadyowgii jeelasha ku jiray u qaybsameen saddex qolo; qaar ku samra dhibka oo u adkaysta ciqaabta jeelku leeyahay. Hormood waxa ugu ahaa raggii dhibtaa u adkaystay sheekhii weynaa ee Imaam Maxamed Qasaali Rabbi ha janneeye, xagga dumarkana halyeeyaddii Saynab Qasaali oo dhigaal ka samaysay dhacdooyinkii ay ku soo martay jeelka ‘Maalmo ka mid ah noloshaya’.

Xubnihii maxaabiista ahaa qaarkood way is dhiibeen oo dawladdii bay u gacan haadsadeen, dabadeed la saamaxay, xagga qaarkoodna xilal loo dhiibtay; Axmed Xasan Baaquuri oo wadaad Ikhwaani ahaa ayaa Jamaal Cabdinaasir ka dhigtay wasiirka Awqaafta.

Dhadhaarka saddexaad ee Ikhwaankii yeeshay baa ahaa kudlad dhallinayaro u badan oo u adkaysan kari wayday dhibtii jeelka dabadeed yidhi; “Dadkan inna laynaya Islaam maaha, dadweynaha innagu daawanaya Islaam maaha, wadaaddada innagu daawanaya iyaguna Islaam maaha.” Kooxdaa dhabaddii Takfiirkay qaadeen; Shukri Mustafa ayaa horboode u ahaa unugaana.

Kolka la qiimaynayo saddexdaa qolo tiro ahaan siday afkaartaa ugu kala samoobeen waxa la yidhaa; boqolkii ba shan iyo siddeetan waxa ay ahayeen qolo u samirtay oo aan labadaa fikir midna u dabcin. Culimadii Ikhwaanku tubtaa ayey qaadeen ah in la samro.

Manhajka Ikhwaanka waxa bud-dhig u ah aasasahoodii, sida aan hore u soo sheegay isaga laguma hayo inu fikirkani saameeyey, se ashkhaas baa la leeyahay ayaa fikirkan qaadatay. Kolkaa waa nasiib darro in ummad dhan qoorta loo sudho wax aanay gayin.

La soco qaybta siddedaad……

           Talo iyo tusaale ba waa xaggina

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub

         Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

                Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

 Email:

cabdirisaaqafrican@hotmail.com                            Rakuub.wordpress.com