Gullied Mall: Xarun Ganacsiyeed Nooceedu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Hargeysa Laga Furay

0
625

Hargeysa, (Geeska)- Madaxweyne ku-xigeenka S/land C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici’ iyo xubno wasiiro ah oo uu hoggaaminayay ayaa shalay xadhiga ka jaray xarun ganacsiyeed laga hirgeliyay badhtaha magaaladda Hargeysa oo la yidhaahdo Guuleed Mall. Waxana Masuuliyiintii madashaasi ku sugnayd oo uu hor kacayay Madaxwayne ku xigeenku ay socod indho-indhayn ah ku dhexmareen xarun ganacsadeedkan oo qaab dalka ku cusub loo yagleelay.

Capture

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyey Xaflad loo sammeeyey Xadhig ka jarista ayaa Mulkiilaha Xaruntaasi Cabdi Guleid Ismaaciil ku tilmaamay shaqsi maalgalintiisa u huray dalka iyo dadkiisa Somaliland “Waxaan ku faraxsannahay in aanu dhiirigelinno cidkasta oo reer Somaliland ah oo horumar samaynaysa ama dadaalaysa, ninka maanta (Shalay), halkan maalgaliyay, oo maalgelinta halkan ka socota waa laba qaybood oo waa qayb qurbajoogeennu ka soo shaqaysteen dibaddaha. intii dadaashay ee ilaahay garansiiyay oo ay ku soo celiyeen dalkooda oo ay dhisaan iyo intii joogtay dalka oo ay wadaan maalgalintoodii.”ayuu yidhi Mr. Saylici. Madaxwayne ku xigeenku isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu intaa raaciyay “Waxaan ku hambalyaynayaa ama aan ku dhiirigelinayaa ganacsadaha da’da yar oo wakhtigii uu baa’basanna raggii bilaabay ka mid ahaa maantanna uu soo gaadhay inuu halkan dhisto, waxay na tusinaysaa in qofkii dadaala uu guul gaadhi karro shaqsi ahaan iyo waddar ahaan ee dadaal sameeya uu meel gaadhi karro.”

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Saxardiid Caddani oo isaguna madasha ka hadlay ayaa saddex arrimood ku hambalyayeey mulkiilahan xarun ganacsiyeedka ka yagleelay gudaha Somaliland, waxaanu yidhi “Runtii waa wax ilaahay loogu mahadnaqo oo waan hambalyaynayaa Cabdi Guuleed. Saddex arrimood ba waan ku hambalyaynayaa, maalgalintii dalka oo uu ka qaybqaatay, runtii waxaasi waa waxa dalkan kobcinaya, waxaan kale oo aan ku hambalyaynayaa, haddii arrimaha dalka haysata oo aynu u baahannahay Somaliland oo dhan in la maalgaliyo waxay faa’iido ka tahay shaqo abuur.”ayuu yidhi Cismaan Saxaardiid Caddaani, Wasiirka Warfaafinta S/land.

 Sidoo kale, waxa isaguna madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac. waxaanu duco iyo soo dhawayn u xambaariyay mulkiilaha xarun ganacsiyeedkan “Waa qurux kale oo qiimo galinaysa Somaliland ay soo kordhiyeen ganacsatadda Somaliland oo uu ka mid yahay Cabdi Guuleed, waad aragtaan oo waa meherad standard-kii caalamiga waafaqsan. waynu u ducaynaynaa meheradda iyo mulkiilayaasha leh.”Ayuu yidhi Maxamed Shugri Jaamac, guddoomiyaha Rugta ganacsiga S/land. Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay Mulkiilaha Xarunta Gullied Mall, Cabdi Guuleed Ismaaciil. Isagoo si wayn uga mahadceliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo xubnaha wasiiradda ee ka dareen celiyay xarun ganacsiyeedkan uu hindisay “Marti-sharafta uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ka soo qaybgalayaasha, golaha wasiiradda aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa. Waxa kale oo aan u mahadnaqaya marti-sharafta kale ee ganacsatadda ah ee nooga timi waddamadda dibadda, sida Dubia iyo Somalia, waxaan u mahadnaqay ka soo qaybgalayaasha dhamaan, saxaafadda aad iyo aad baad u mahadsantihii.”ayuu yidhi Mulkiilaha xarun ganacsayeedkani Cabdi Guuleed Ismaaciil.