Xaqiiqooyinka Naftaada Ku Hagi Kara Guusha (Q.1)

0
941

In qofku uu naftiisa u roonaado, oo daryeel gaar ah iyo danayn dheeraad ah uu siiyaa waxa ay ka mid tahay fureyaasha guusha nololeed u horseedi kara. Haddaba daryeelka naftu sidee uu noqonayaa?

  1. Waa run in naftu ay jeceshay in ay hesho wax kasta oo ay raaxo iyo farxad ka helayso, laakiin marar badan waxaa ku xeeran khataro caafimaad ama nololeed oo qasab ka dhigaya in aad ka hor istaagto. In aad subaxda hore toosto, oo aad bannaanka u baxdo si aad deegaanka iyo guud ahaan dabeecadda rabbaani ah indhaha ugu kala furto, in aad jimicsi si samayso, ama aad naftaada ku tababarto dulqaadka ay kula macaamili karto waayaha kala duwan iyo caqabadaha nololeed ee ka hor imanaya, dhammaantood waxa ay ka mid yihiin hababka aad naftaada ku daryeelayso laakiin aanay iyadu inta badan kula garanayn.
  2. Mararka qaarkood in aad hawlo culus iyo shaqooyin adag gasho ayaa ah daryeelka naftaadu u baahantahay. Ku dadaal in aad naftaada ku cariso qabashada hawlaha aadka u adag, si aad u dhisto mustaqbalkaaga xirfadeed ee aad doonayso gaadhistiisa. Naftaada bar hawsha adag iyo hal-adayga.
  3. Naftaada ku hanweynoo; waxaa marar badan dhacda in qofku uu naftiisa hoos u xaqiro isaga oo ku saluugsan halkii uu niyadda ku hayey oo uu nolosha ka gaadhi kari waayey. Naftu waxa ay u baahan tahay xakamayn iyo in lagu kallifo hawlaha adag, maskaxduna ay noqto halka qofka hagaysa. Halkii aad naftada hiifi lahayd ku dadaal in aad kalsooni ku abuurto. Bar marka ay wahsiga ka adkaato, hawsha u taallana waqtiga ku habboon dhamayso in ay gaadhayso guusha farxadda leh ee ay hiigsanayso. Bilowga waa ay adagtahay laakiin ugu dambaynta waxa aad ka guran doontaa midho wax ku ool ah, waxa ay wanaajin doontaa doonistaada, culayska hadda ay leedahayna waxa aad ku illaawi doontaa guusha dambe.
  4. Xaaladda aad hadda joogto ka fikir; tusaale ahaan haddii aad isku aragto in aad xirfad xiisaynayso, ku dhaqaaq samaynteeda, in aad qabato hawl aad ku faraxsantahay waa furaha in aad guul gaadho. Waqti badan ha ku lumin in aad hesho waxyaabaha laga yaabo in ay xirfaddaasi u baahan tahay oo dhan, waayo waxaa dhacda waqtiga ay u baahantahay soo heliddeeda iyo kharashka oo aad weydo awgeed in ay dib u dhacdo guushii aad ka gaadhi gaadh lahayd ama uu lumo xiisihii markii hore naftu u haysay. Xitaa ha sugin inta aad xirfaddaas halka ugu sarraysa ka gaadhayso, nafta ha ku baqa gelin in qabashada hawshaas xirfaddeedii aanay lahayn, waayo in aad xiise u hayso kuna raaxaysanayso samaynteeda ayaa ah tiirka ugu weyn ee ay u baahan tahay.

Waxa kale loo mid ah go’aan qaadashada. Mar kasta oo aad qaadato go’aan noloshaada la xidhiidha oo aad ka baaraan degtay saxnaanshiyihiisa, fulintiisa ha la sugin arrin aan go’aanka xidhiidh la lahayn.