Qulubka Iyo Walbahaarku Ma Keenaan Cirro, Suurtgal Se Ma Tahay In La Joojiyo Cirrada? (Q. 2aad)

0
628

Waa qaybtii labaad ee qormadiii ka warramaysay sababaha keena cirrada iyo siyaabaha loo joojin karo.

Xaaladaha caafimaad ee nafsiga ahi waxa ay keeni karana cirro

Sida ay xeeldheereyaasha caafimaadku caddaynayaan qulubku waxa uu keeni karaan in timuhu ay caddaadaan.  Dr. Bauman oo ka warramayey waxa uu sheegay in sakatiga, diiqadda iyo xaalado badan oo nololeedba in ay saamayn ku yeeshaan caafimaadka timaha. Ujeedadu ma’aha in diiqadda iyo guud ahaan xaaladaha nafsiga ahi si degdeg ah midabka timaha u beddelayaan, balse waa in ay cirrada ku soo dedejiyaan dadka markaba horeba hiddaha u leh cirrada soo degdegta.

Cirradu da’ ma’aha

Inkasta oo ay cirradu qofka u ekaysiisaa gabow, laakiin qasab runtu waxa ay tahay in cirradu aanay mar kasta calaamadda gabowga ahayn. Inkasta oo ay jirto aaminsanaan baahday oo ah in wadne xanuunku uu xidhiidh la leeyihiin gabowga soo degdega, haddana daraasado lagu sameeyey waxa ay muujinayaan in aanu wax xidhiidh ahi ka dhexeyn cirrada ama coodcoodhka iyo wadne xanuunka.

Xaalado kale oo cirrada keena

Da’da iyo hidde sideyaashu ma’aha waxa keliya ee keena cirrada. Balse waxaa jira xaalado kale oo nololeed oo qofka ku soo dedejiya cirrada. Waxaa ka mid ah kuwo uu qofku wax ka qaban karo iyo kuwo awooddiisa ka baxsan. Tusaale ahaan, waxaa la aaminsan yahay in waxyaabo badan oo raad xun ku yeesha caafimaadku ay soo dedejiyaan cirrada. Waxaa ka mid ah cunto xumada, qulubka, hurdo yaraanta, dawooyinka qaarkood, sigaar nuugista iwm. Dhammaantood waxa ay keeni karaan in timuhu ay si dhaqso ah u cirraystaan.

Xaaladaha kale ee caafimaad ee cirrada soo dedejiya waxaa ka mid ah xanuunka dhiig la’aanta, Kansarka, qanjo xanuunka (Thyrod), xanuunka joojiya korniinka maskaxda ee ‘Dawn’, progeria ama Werner oo keena cirrada oo qofka ku soo degdegta. Faytamiinka B12 oo qofka ku yaraada iyo cillad ku timaadda qanjidhka maskaxda ‘Pituitary gland’

Waa la hakin karaa cirrada

Waxaa la aaminsanyahay in maaddooyinka ay ka mid yihiin Caffeine ta iyo Nicotinamide oo ah qayb ka mid ah Faytamiin B3 oo labaduba caan ku ah caabbinta iyo ka hortagga calaamadaha gabowga. Dawlada China lagu sameeyo FO-Ti oo dabiici ah ayaa iyaduna la sheegaa in ay yarayso caddaanka cirrada, laakiin weli daraasado dheeraad ah oo cilmiya ayaa ay u baahan tahay.

Si kastaba ha ahaato ee guud ahaan waxaa la isku waafaqsan yahay in nidaamka cunto oo la wanaajiyo, caafimaadka guud oo la wanaajiyo lalana dagaalamo guud ahaan dhibaatooyinka caafimaad iyo diiqadda iyo xaaladaha nafsadeed oo si sax ah loola macaamilaa dhammaantood waxa ay ka mid yihiin siyaabaha looga hortegi karo cirrada. Sida oo kale in Faytamiinnada timaha la isticmaalo ayaa wax badan ka caawiya ka hortagga cirrada ama yaraynteeda.