Xanuunnada Carruurta Ku Badan, Sababaha Keena Iyo Talooyinka Uu Dhakhtarku Ka Bixiyo

0
1099

Inta badan carruurtu inta ay da’ yartahay waxa ay u nugushahay xanuunnada, oo aanu weli habdhiskooda difaacu adkaysi u diyaar garow u lahayn. Waxa ay xaaladaha caafimaad darro sii badataa mar kasta oo ay carruurta kale dhexgalaan ama marka ay da’da waxbarashada gaadhaan ee dugsiyada loo diro. Marka ay ardaydu fasaxyada kaddib dib ugu noqdaan dugsiyada waxaa lagu arkaa noocyo ka mid ah xanuunnada faafa. Arrintaas oo mararka qaarkood warwar badan ku abuurta waalidka ayaa ay khubaradu sheegayaan in ay tahay dabiici. Waxa aanay sababta ku tilmaameen isdhexgalka carruurta ee saacadaha badan ay meel xidhan ku wada jirayaan. Sababta labaadna ay tahay fayraska iyo bakteeriyadu marka ay meel keliya ku kulmaan in ay badato khatarta ah in carruurta ay xanuunno ku keento.

Qormadan oo lagu baahiyey majaladda ‘Pique Padres’ oo ka soo baxda dalka Spain aya soo bandhigaysa xanuunnada faafa ee inta badan carruurta lagu arko marka ay dugsiyada dib ugu noqdaan, fasaxyada kaddib.

Dhego xanuun

Caabuqa dheg-dhexadu waa xaalad ka mid ah xanuunnada faafa oo carruurta ku badan. Waa xanuun aad u badan oo aanu ilmuhu u adkaysan karin, sababtuna ay tahay dareeraha sababaha xanuunka iyo caabuqa ku ururay dhegta gudaheeda.

Tirakoobyada arrintan lagu sameeyeyna waxa lagu ogaaday in xaaladdani ay sannad kast dabayaaqadiisa ku dhacdo saddex meelood laba carruurta ka mid ah. Waqtigaas uu ku soo beegmayo ee dabayaaqada sannadka ah oo aalaaba ku soo beeganta xilliyada dugsiyada lagu noqonaya ayaa ardayda uu hayaa ay ku faafiso ardayda kale, iyo in marmarka qaarkood waqtiga isku beegmay awgii uun loo moodo in bilowga iskuulku uu sababta yahay.

Hargabka

Xilliyada dugsiyada waxbarashada lagu noqdo waxaa carruurta aad loogu arkaa hargabka oo ka mid ah xanuunnada sida aadka ah u faafa, gaar ahaan hindhisada iyo qufaca ku gudba.

Hargabku waxa uu caan ku yahay balqan iyo malax ku ururta dulka hoose ee sanka, qufac iyo labada indhood oo ilmo buuxiso.

Caabuqa hunguriga

Waxaa carruurta lagu arkaa hunguri xanuun, sababtiisu tahay caabuq ka yimaadda noocyo Fayraska ama bakteeriyada ka mid ah. waxa aanay xaaladdani badantahay xilliyada jiilaalkii.

Hunguri xanuunku waxa uu ilmaha ku keenaa garaac badan oo hunguriga ah, iyo xummad. Haddii sababtu ay tahay Fayras inta badna daweyntiisu waa ay dhib badantahay, waxaana suuragal ah in ay waqti qaadato, laakiin haddii ay Bakteeriya tahay ilmaha waxaa ku filan in uu cuno dawooyinka jeermi dilaha ah ee Anti-biotic loo yaqaanno.

Caloosha ama midhicirada oo xanuun yeelata

Waa xaalad kale oo carruurta aad loogu arko, oo ka dhalata fayras ilmaha gaadhay, waxa aanay inta badan ka soo kabashadeedu qaadataa waqti toddobaad ku dhow.

Xaaladdan calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah shuban iyo matag, iyo sida oo kale calool xanuun ama casiraad. Waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in xaaladdan oo kale ilmaha la mariyo nidaam cunto qaadasho oo caafimaad qaba.

Qanja xanuun

Qanja xanuunka waxaa keena Fayras ama bakteeriyada uu ilmuhu qaaday, waxa aana mararka qaarkood ay gaadhaa in ay labada qanjood bararaan, iyo xanuun u badan dhinaca hunguriga.

Xanuunkan calaamadihiisa waxaa ka mid ah xummad badan, madax xanuun dhinac ah, sida dhanjafka, olol iyo caabuq ay dhuuntu yeelato iyo cuntada cunisteeda oo ilmaha ku adkaata.

Indho xanuunka

Carruurtu inta ay yaryar yihiin waxaa ku badan xanuunnada indhaha ku dhaca, oo inta bdan sababtoodu ay tahay bakteeriya si fudud u faaftay. Waxa ay dhakhaatiirtuna ku taliyaan in waalidku aanu dhayalsan indha xanuunka, oo mararma qaarkood haddii uu muddo sii jiro ama soo noqnodo dhaawac gaadhsiin kara nudaha isha ama shabakaddeeda aragga.

Waxa kale oo ay cilmibaadhisaha caafimaadku xaqiijinayaan in noocyada cunto ee ilmaha la siinayaa ay ka qayb qaadan karto caafimaadka indhaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here