Xanuunka Qanjidhka Hunguriga Ee Tayroodh (Thyroid) Iyo Xanuun Kale Oo Madhalaysnimo Keena

0
1204

Dr. Bayati Kfad Bek ayaa sheegtay in marka laga tago in madhalaysnimadu ay tahay xaalad sideeda u madaxbannaan, haddana ay jiraan laba xaaladood oo caafimaaad darro oo sababa ma dhalaysnimada. Waxaa ka mid ah qanjidhka Tayroodhka (Thyroid) ee hunguriga hareeraha ka raacsan, iyo xanuun ku dhaca ogxaansidaha gabadha oo magaciisa afka Ingiriisiga loo soo gaabiyo PCOS.

Dr. Bayati oo si gaar ah ugu sii xeeldheer caafimaadka qanjidhka Marinla (Endocrine) waxa ay sheegtay in ay fududahay in la garto in qanjidhka Tayroodhku uu shaqadiisa gaabiyey, waxaana lagu daweyn karaa dawooyin samayskooda ay ku jiraan hormoonnada qanjidhka Tayroodhka. Laakiin dhibaatadiisu waxa ay tahay in haddii aan dhaqso loo daweyn uu keeni karo ma dhalaysnimo.

Xaaladda ah in ogxaansiduhu uu yeesho kiishash, waa khalkhal guud oo ku dhaca hormoonnada dumarku inta ay ku jiraan da’da dhalmada. Calaamadaha lagu yaqaannana waxaa ka mid ah in gabadhu ay isku aragto caadada oo socota muddo intii caadiga ahayd ka badan laakiin aan xidhiidh ahayn, dhalmada oo gabadha ka tagta, hormoonnada ninka oo gabadha ku bata, taas oo gaadhi karta in gadh ka soo baxo ama timo ay laabta iyo cagaha ku yeelato, iyo cillad ku timaadda habka dheefsiga cuntada (Metabolic) taasina ay sababto miisaanka gabadha oo aad u kordha.

Haddabna xaaladdani waxa ay gabadha ku keentaa dhalmada oo ka tagta, waxa aanay khubarada caafimaadku sheegayaan in ay adagtahay in la garto xaaladdan marka ay gabadha hayso iyo daweynteeduba, sidaas awgeed gabadhu haddii ay calaamadahan isku aragto ay waajib tahay in dhaqso dhakhtar takhasus ah ay ugu tagto.