Bakteeriyo Cusub Oo Shiinaha Ka Dillaacday Ayaa Durba Kumannaan Qof Ku Dhacday

0
517

Dawladda Shiinaha ayaa ka war heshay kumannaan muwaadiniinteeda ah oo uu ku dhacay xanuun bakteeriya ah oo cusubi. Sida ay shabakadda wararka ee CNN ku warramaysana waxa ay Bakteeriyadani dillaacday kaddib markii ay ka soo fakatay warshad ay leedahay shirkad dawooyinka jeermidilaha ah (Antibaayootig) lagu sameeyo oo ku taalla woqooyiga galbeed ee dalkaas.

Guddida caafimaadka ee magaalada Lanzhou ee caasimadda gobalka Gansu ayaa sheegay in 3 kun iyo 245 qof u uku dhacay xanuunka Buruseellaha (Brucella) oo inta badan laga qaado taabashada xoolaha bakteeriyadan qaba.

Guddidu waxa ay sheegtay in shaybaadho hordhac ahi ay soo saareen kun iyo 401 ruux oo kale. Laakiin aan weli la soo sheegin wax dhimasho ah oo uu xanuunkani sababay.

Xanuunkan oo sida oo kale loo yaqaanno ‘Xumadda Malta’ iyo xumadda badda cad ee dhexe (Mediterranean) waxa uu leeyahay calaamado ay ka mid yihiin madax xanuun, muruqyada oo qofka aad u xanuunka, xummad badan iyo burbur jidhka ah, waxaana suurtagal ah in calaamadahaasi ay noqdaan kuwo aanu qofku ka bogsan ee uu la noolaado.

Gudbinta Bakteeriyadan

Xanuunkan ayaa ay khubaradu sheegeen in ay arrn aad u dhif ah tahay in bukaanka xanuunkani uu sii gudbiyo, laakiin dadka badankoodu waxa ay xanuunka ka qaadaan cunista cunti wasakhaysan, ama bakteeriyadan oo neefsiga qofka u raacda.

Wararku waxa ay sheegayaan in Bakteeriyadani ay dabayaaqadii bishii Julaay 2020 ka  illaa dabayaaqadii Ogos ay bakteeriyadani ka soo baxsatay warshadda lagu sameeyo dawooyinka bayoolajiga ah ee  Zhongmu Lanzhou. Warshadda Ayaan la filayaa in mar ay samaynaysay tallaal xoolaha laga ilaalinayo xanuunka Buruseella ay warqaddu nadiifintii wasakhda u adeegsatay dareeraha wax lagu nadiifiyo oo waqtigiisu dhaay, sidaas awgeed aan awood u lahayn in uu Bakteeriyada dilo.

Bakteeriyadan ayaa markii ay bannaanka u soo baxday waxa ay raacday hawada oo gaadhsiisay Maxadka Zhongmu Lanzhou, oo ay bilowgii ku dhacday 181 ruux, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee China oo lagu magacaabo Xinhua. Warku waxa uu sheegay in xanuunkani uu ku dhex fiday ardayda, xubnaha guddida macallimiinta ah ee Lanzhou. Waxaana jira meelo iyo deegaanno aan ahayn intaas aynu xusnay oo xanuunka lagu arkay.

Coronavirus ayaa isaguna bishii Diisambar 2019 waxa uu markii ugu horreysay ka dillaacay dalka Shiinaha, waxa aanay dawlado Maraykanka iyo hay’ado madaxbannaani ay Shiinaha ku eedaynayaan in uu dunida u qariyey xanuunkan, sidaas awgeed soo shaacbaxa xanuunkani inkasta oo aan si dhayal ah lagu kala qaadin, haddana waxa uu walaac ku abuuray dunida oo xasuusan sida xdawaaraha ah ee uu Coronavirus oo Shiinaha ka soo biloqday bilo yar gudahooda daafaha dunida oo dhan ku gaadhay.