Xamaamta Iyo Alaabooyinka Ay Muhiim Tahay In Aanad Ka Tegin Marka Aad U Xajka U Socdaalayso

0
1047

Maka (Geeska)- Diyaarinta shandadda aad ula safrayso xajku  waa ay ka duwan tahay diyaarinta shandadda ay safar nooc kale ah ku tegeyso. Safarka xajku waxa uu u baahan yahay diyaargarow gaar ah oo ka duwan safarrada kale oo dhan, sababaha ugu badani waa in marka aad xajka tagto ay inta acmaashu socoto kugu adkaanayso in aad suuqa u baxdo si aad uga soo adeegato, sidaa awgeed shayga aad illowdo in aad sii qaadato, waa ay adkaanaysaa in aad dhayal ku hesha.

Shandadda safarka

Uma baahnid shandad weyn, gaar ahaan marka aad kelidaa safrayso, shandad yar ayaa kuugu filan baahiyahaaga aasaasiga ah, si aad uga dheeraato in aad dhib kala kulanto qaad-qaadista shandadda iyo kor u qaadisteeda, maadaama oo si aad ah loo guurguurayo.

Dharka

Dharka aad adeegsanayso xilliga xajku waa ay kooban yihiin, laakiin ha illaawin in aad surwaallo qaadato, sida oo kale ha ka tegin dharka cudbiga ah, maadaama oo socod badan oo kulayl keenayaa uu jiro.

Waxaa muhiim ah in dharka hoose ee aad xidhanaysaa ay noqdaan kuwo aan kugu dhegenayn isla markaana gacmo iyo lugi dhudhumada gacmaha iyo bawdyaha gaadhaya. Faa’iidada surwaallada hoose ee caga gaabka ah ku jirtaa waa in ay kaa ilaalinayaan dhididka bawdyaha ee sababi kara in aad is listo. Waxaa dumarka u fiican in ay xidhaan sharabaaddo miisaan leh oo midab uskagga qarsanaya leh.

Kabaha

Waxaa muhiim ah in aad qaadato kabo aad u isticmaasho weysada iyo maydhashada, waxaa fiican kabaha rabadhka ah, laakiin aad isaga ilaali in ay yihiin kabo simbiririxanaya / lagu siibanayo. Waxaa in badan dhacda in dadku ay ku siibtaan marmarka dhismayaasha la deggen yahay oo uu halkaas dhaawac ka soo gaadho. Waxaa fiican in kabuhu ay yeeshaan cidhib yar oo dhulka kor uga qaadan, si dharka aad xidhantahay ay kor uga qaadmaan dhulka qoyan oo aan la iska arki karin cidhiidhiga awgeed. Qasab ma’aha in aad kabo badan sii qaadato, waxaa kugu fiican kabo keliya oo nooca caafimaadka loo xidho ah.

Dharka aad xidhanayso marka la joogo goobta aad deggen tahay

Waxaa fiican dharka cudbiga ah ee aan cidhiidhiga ku ahayn / ku dhegsanayn jidhka gaar ahaan dumarka. Waxa aad xasuusnaataa in marada u baahan tahay dhowr shay oo aad isku bedbeddesho maadaama oo ay jiraan boodh, dhidid iyo wasakh intuba. Sida oo kalana aanay suurtagal kuu noqon doonin in aad dhar dhiqis badan samayso.

Dumarka waxaa u fiican in ay qaataan khimaar / masar cudbi ah oo weyn, iskana ilaaliyaan noocyada maro ee kulaylka keenaya ama marka kulayl yimaaddo jidhka ku dhegeya.

Waxaa aad sii qaadataa tuwaallo yaryar o odhowr ah, iskana jir dharka qallafsan ama nayloonka ah si aanad u dhididin sida oo kalana aanay jidhka ugu samayn nabar ama boogo dhibaato keena.

Agabka nadaafadda ee shakhsiga ah

Uma baahnid agab iyo walxo nadaafadeed oo badan, Dumarka xabbad shaamboo yar ah ayaa ku filan, maadaama oo illaa ay ixraamashadu ka dhammaato aanay timaha maydhayn. Saabuun yar, cadarka urta dhididka beddela ama celiya laakiin ana ur lahayn ayaa muhiim ah. ha dhayalsan in aad si iqaadato Faasliin yar oo aad mariso nabarrada yaryar ama kiriimka nabarrada la mariyo. Sida oo kale ha illaawin in aad sii qaadato bootarka aan cadarka lahayn ee laga marsado is liska, si aanu u dhiigin jidhku.

Sii qaado maqas yar, gadhfeedh yar, burushka cadayga, iyo haddii aad heli karto muraayadda qorraxda, si aad indhaha uga badbaadiso hanfiga iyo ilayska indhaha dhibaya ee ay qorraxdu samaynayso.

Dawooyinka

Dadka bukaanka ah waxaa u fiican in ay sii qaataan dawooyinka ay maalinlaha u isticmaalaan, maadaama oo ay dhici karto in maalmaha hore ee safarka iyo degitaanka ku adkaato in ay dawooyin helaan. Laakiin mar kasta xasuusnoow in ay jiraan dawooyinka qaar aan sharci ahaan dawladuhu ogolayn in lala safro, illaa uu qofku sito warqad caafimaad. Waxaa ka mid ah dawada Tramadol, oo iyada sababta loo diidayaa ay tahay in ay tahay xanuun baabi’iye aad u xoog badan.

Waxa se muhiim ah in qofku uu qaato dawooyinka hargabka, xumad jebinta fudud, madax xanuunka iyo Faytamiin C iyo dawooyinka fudud ee la midka ah ee kaar jebintu ka midka tahay.

Shandad yar

Shandadda yar kama maarmaysid mar keliya inta aad xajka joogto, haddii aad hoyga joogto iyo marka aad baxdo labadaba, waxaa kugu jira dawooyinka, fureyaasha, aqoonsiyada lacagta fudud iwm.

Dallaayad, qalabka naqaska, iyo marawaxad yar

Si aad uga badbaado heerkulka aadka u sarreeya iyo cidhiidhiga badan ee jira, oo mararka qaarkood neef qabatow gaadha, waxaa muhiim ah in aynu qaadanno haddii aynu heli karno weel yar (Caagad) oo biyaha sida cadarka u buufin karta, si aynu isugu shubno haddii aynu u baahanno, marwaxadaha yaryar ee baytariga leh ayaa iyaguna muhiim ah, haddii aad helayso koofiyadaha sida dallaayadda madaxa u daboolayana waa ay fiican tahay. Waxaa hubaal ah in caagga yar ee biyaha buufinayaa uu marar badan naftaada badbaadin karo.

Kiish

Kiishashka yaryar ee bacda ama warqadda ahi waa muhiim in loo qaato xajka. Waxa ay ku fiican yihiin in aad iskaga riddo qashinka iyo waxyaabaha aanad u baahnayn iyo xafaayadaha caafimaad ahaanta loo isticmaalo.

Xadhiga dabka ee taleefankaaga gacanta

Si haddii aad gurmad u baahato aad dhaqso u hesho hab aad dadkii kula xidhiidhi karto, ama lagaala soo xidhiidhi karo waxaa muhiim ah in qofku uu haysto taleefankiisa gacanta oo dabkiisu mar kasta buuxo, sida ay taasi kuugu suurtageli kartaana waa in aad sii qaadato xadhiga dabaynta ee taleefanka gacanta.

Siliska aqoonsiga

Waxaa fiican in qofku uu qaato kaadh ay ku qorantahay xogtiisa oo kooban, kaddibna inta uu xadhig ku xidho qoorta gashado, isla markaana kaadh labaad oo la mid ah uu ku rito shandadda dharka. Waa habka ugu fudud ee lagu heli karo qofku haddii uu lumo ama uu shil ama dhib kale ku dhacdo oo aanu hadli karin.

Waa magacaaga, dalkaaga, lambarka taleefankaaga iyo cidda kuugu dhow ee warkaaga la gaadhsiin karo.

Macmacaan fudud

Waad isaga baahantahay in aad qaato kiish yar oo nabaad ah, ama macmacaan kale oo xitaa nacnac ku jiro. Hawlaha aadka u badan ee xajka ka jira iyo rafaadka kulaylka iyo socodka saxmadda dhexdeeda ahi waxa ay marar badan kugu keenayaan in aad tamar beesho ama gaajo kaa awood badiso, markaas oo kale waxaa fiican in aad sidato sonkor ama macana fudud oo shandadda gacanta ee aad sidato mar kasta kuugu jira. Laakiin iska ilaali in aad qaadato shaaglaydhka, waayo kulaylka badan ee jira awgeed waa uu dhalaalayaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here