Ingiriiska Oo U Sacabo Tumay Mooshinka Kordhinta Tirada Xubnaha Guddiga Doorashada Ee Ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladu U Gudbiyeen Shirguddoonka

0
955

Hargeysa(Geeska)-Madaxa xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargeysa danjire Stuart Brown ayaa u sacabo tumay mooshinka ay xildhibaanada golaha wakiiladu u gudbiyeen shirguddoonka ee ku saabsan kordhinta tirada guddiga doorashooyinka oo ahaa qodob ku jiray heshiiskii ay xisbiyadu gaadheen 27 July.

Mr. Stuart Brown, ayaa barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu ku qoray qoraal uu ku soo dhawaynayo mooshinkaas oo uu sheegay inuu cadayn u yahay inay xisbiyada siyaasadda ee Somaliland fuliyaan heshiiskii 27 julay ee qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka. Madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa wuxuu qoraalkiisa ku yidhi sidan “Waan soo dhowaynayaa mooshinkii maanta [Salaasadii] ee xisbiyadu u dhamaayeen ee ku saabsanaa xubinimada gudida doorashooyinka. Waa cadayn muhiim ah oo muujinaysa inay xisbiyada oo dhan ka go’an tahay inay fuliyaan heshiiskii 27 July ee laga gaadhay qabashada doorashooyinka Somaliland ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanad.”

Mooshinka aya waxa gudbiyay 15 xildhibaan oo u badnaa xildhibaanada taageersan Waddani, waxase ku jiray laba xildhibaan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xildhibaan ka tirsan xisbiga UCID, waxaana mooshinka guddoomay shirgudoonka oo u gudbiyay la taliyaha sharciga ee golaha wakiilada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here