Xalin La’aanta Khilaafka KULMIYE Waa Calaamad Madaxweynaha Dultaala: Geeska Afrika Staff Writer

9
2221

Picture5Waxa uu khilaaf ka dhex jira xisbiga KULMIYE afka la galayaa toddobaadkii labaad, ka dib markii ay guddiga qaban qaabada shirweynaha xisbigu u kala jabeen laba garab oo uu garab ka mid ah oo ay tiradoodu tahay 15 xubnood doortay hoggaan. Kala jabkaas oo saamayn ku yeeshay guud ahaan xisbiga.

Ma jiro wax xal ah oo loo helay khilaafkaas, waxaanu inta la ogyahay Madaxweyne Siilaanyo kulamo xal u raadintaas ku saabsan la yeeshay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan hoggaanku, laakiin kulankaas ma jiro wax xal ah oo lagaga gaadhay khilaafkii xisbiga, waxaanu u muuqdaa in kulankaasi sii shiday is-mariwaagii xisbiga ka dhex jiray.

Waxa isna uu Axadii kulan dhex maray madaxweyne-xigeenka iyo hoggaanka xisbiga, waxaana kulan saacado badan qaatay ka dib la sheegayaa inaan wax natiijo ah oo togan la gaadhin balse uu kulankaasi isna sii siyaadiyay khilaafka. Waxaana muuqata in kala fogaanshaha xisbiga ka dhex jiraa aanu hoos u soo daadegayn balse uu si xawaare ah kor ugu sii socdo, iyadoo loo kala fadhiyo laba dhinac oo uu dhinac waliba dhinaca kale la gaadayo warsmo siyaasadeed.

Madaxweyne Siilaanyo oo ah odayga guud ee xisbiga, ma muuqdo wax go’aamo ah oo uu weli ku kala saaray masuuliyiinta xisbiga ku dhex hirdamaya. Waxa ay dad badani aaminsanyihiin inay Madaxweynaha hoggaamintiisa ceeb ku tahay xal u helis la’aanta khilaafkaas xisbigiisa ka dhex jira oo haddii inta imika muuqata uu dhaafo sababi kara inuu xisbigu burburo isagoo Madaxweynuhu arkaya. Madaxweynaha waxa looga fadhiyay inaanu xal u helista khilaafka xisbiga uu ka soo jeedaa qaadanin wakhtiga uu hadda marayo.

Si kastaba ha ahaate khilaafka KULMIYE, maaha kow, waxase uu wakhtigan ku soo beegmayaa iyadoo uu hayo taladii wadanka, waxaanu khilaafkiisu si fudud saamayn ugu yeelan karaa qaranka. Sidaas daraadeed Madaxweyne Siilaanyo waxa looga baahanyahay inuu u guntado xal u helista khilaafkan, haddiise uu Madaxweynuhu ku guuldaraysto daawaynta khilaafka xisbigiisa amaba ay ku dheeraato waxa ay sumad aan wanaagsanayn ku noqon doontaa hoggaamintiisa.

Comments are closed.