Burco: Miino Gaadhi Kula Qaraxday Goob Uu Madaxweyne Siilaanyo Iskuul Dhagax Dhigay

0
567

Picture4Hargeysa(Geeska)-Waxa ay miino gaadhi kula qaraxday shalay magaalada Burco gaar ahaan dugsiga hoose dhexe ee Xaaji Cabdi Siciid, oo madaxweyne Axmed Siilaanyo uu 48-casho ka hor u soo dhagax dhigay fasalo lagu kordhinaayey.

Miinadan ayaa ka qaraxday meel ay wakhtigaas  taagnaayeen gaadiidka madaxweynuhu markii uu dugsigan uu u dhagax dhigaayay fasalada cusub taariikhdu markay ahayd 17-kii /Septenber/2013. waxaana qaraxa miinadan ku naf waayay marxuum Mustafe Yuusuf Mire oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkada dabka ee Beder,iyada oo la sheegay inay miinadan ahayd kuwa gaadiidka culus loogu talo galay ee loo yaqaano Anti-Tangi oo la sheegay deegaanadaas inay ku faro badan yahiin oo aan wali laga nadiifin tan iyo intii dalka dib loogu soo noqday.

Qaraxa miinada ee gaadhigan ku habsaday ayaa iftiiminaaya in aan kooxaha miinooyinka baadha ee madaxweynaha goobaha uu tagaayo sii eegaa aanay si fiican u gudan shaqadooda iyo in uu halis galay amnigiisu.

Masuuliyiinta gobalka Togdheer oo gaadhay goobtan miinadu ka qaraxday ayaa ku anfariiray markii ay arkeen inay tahay goobtii dhawaan uu madaxweyne Amxed Siilaanyo socdaalka ku tegay. Waxaanay tacsi u direen qoyska uu ka baxay marxuumka miinadani ay la kacday. Waxa xisid mudan in xaafada October ee magaalada Burco oo ah xaafadan ay miinadu ka qaraxday ay hore miinooyin hore uga qarxeen isla markaasna ay gaysteen khasaare naf iyo maalba leh, iyada oo aan miinada hada ka qaraxday goobtan uu madaxweynuu tegey aan wali wax faah faahin ah oo dhanka baadhitaanka ah aan lagu soo saarin.