Labada Xisbi Mucaarad Oo Wada Jir U Diyaariyay Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Qaran Ee Somaliland

51
953

Picture6Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani iyo hogaanka madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa yeeshay kulan saddex geesood ah oo ay ku eegayeen shirkii ay hore ugu baaqeen.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay inay madasha ka gudoomeen qabashada shirkaas, waxaanay saareen guddi ka kooban 12-xubnood oo labada xisbi mid waliba uu soo magacaabay lix xubnood.

Shirkaas saddex geesoodka ahaa ee ay wada yeesheen labada xisbi mucaarad iyo madasha wada tashiga qaranka kadib,waxa shir jaraa’id warbaahinta kula hadlay gudoomiyaha xsibiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, waxaanay ku dhawaaqeen gudidii dhankooda shirkaas uga qayb gali lahayd, iyada oo xisbiga Waddani-na uu hore ugu dhawaaqay xubnaha abaabulka shirkaas uga qayb qaadnaya.

Eng.Faysal Cali Waraabe oo shirkaas jaraa’id ka hadlaayay ayaa marka laga yimaado xubnahan qaban-qaabada ee uu ku dhawaaqay, waxa uu xukuumada ku dhaliilay in sanadkan hoos u dhac ku yimi dhoofkii xoolaha isaga oo arintaasna ku saba’beeyay xeerkii cashuurta ku kordhinaayay xoolaha dhoofa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Marka hore waxaan leeyahay sanad wanaagsan guud ahaan ummada muslimiinta ah,ilaahayna dhibta iyo cidhiidhiga ha ka saaro dadka muslimiinta ah. intaas ka bacdi waxa jirtay arin baryahanba socotay oo ah in wixii dalkeena qabyo ka ah laga wada tashano, iyada oo dawladuna ka shakiday maantana waxay  u muuqataa inay soo afjarmayso. odoyaasha madashuna doodii ay wadeen  oo ah dood wax lagu toosinayo oo wixii inaga qabyo ah ka wada arinsanayso ayey ku soo wareejisay labada  xisbi, hadii aanu labada xisbi nahayna waanu ka aqbalnay, markaa  danta guud ayaa inoo wada dan ah waxaana inagu soo socoto hawlo culus oo ah doorashooyinkii oo u baahan in inta aan la gaadhin wixii qabyo ah la sii qabto oo wax laysla wada ogyahay laga yeesho si ay inoogu dhacdo doorasho wanaagsan oo aan muran gelin.haddii aanu xisbiga UCID-nahay waxaanu halkan ku magacaabaynaa  lixdii xubnood ee nooga qayb gali lahayd qaban qaabada shirweynaha qaranka waxaanay kala yihiin Faadumo Siciid ibraahin,Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,Cabdinaasir Yuusuf Cirro,Axmed Maxamed Diiriye,Aadan Cali Yoonis iyo Maxamed Mahdi Buubaa.”

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxa uu sheegay inaan shirweynaha qaran ee ay wada qabanayaan labada xisbi mucaarid aan waxba lagu yeelayn xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa isla markaana lagaga wada hadlayo arimo la xidhiidha danta dalka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa arimaha qabyada ka ah dalka. Waxaanu dhaliilo ugu soo jeediyay xukuumada in dhoofkii xoolahu sanadkan hoos u dhacay “Sanadkan maanta ah wali xukuumada lagama hayo tirada xoolaha ka dhoofay dekeda Berbera waana la qariyey oo xoolihiin way inaga leexdeen, waxaana sababay xeerka cashuurta ee la diiday in laga daayo, waana markii ugu horaysay ee xoolo la iibsaday ay inagu baaryaan iyada oo wakhtigii xajka lagu jiray waxaana sababay xeerkan cashuurta ku kordhinaya  xoolaha, maadaama maanta tartan kula jirno Muqdisho,Boosaaso iyo Djabouti waxa fiican inaad soo dhawaysato xoolaha ee maaha in cashuurta cirka lagu geeyo.”

Intaas kadib musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa isaguna dhankiisa waxa uu yidhi“Xisbiga UCID waa uu aqbalay  qabashada shirkan anaga oo la kaashanayna xisbiga kale ee Waddani ee mucaaridka ah, labadaaas xisbi qarana inay guddi u saaraan shirkan oo mid waliba lix qof soo xulay iyada oo guddidaasina si wada jira u hawl gali doona.shirkan ujeedadiisu waa inay dadku wada hadlaan Somaliland-na shirar badan ayaa ka qabsoomay, laakiin meelo gaar ah ayaa lagaga wada hadlay ee shirkani waa mid ka hadlaya qaranimada Somaliland maxaa inoo qabsoomay, maxaa inaga qabyo ah iyo sidee ayeynu u qabsanaa, maaha shir mucaarid ah  oo la doonayo in dawlada uun layskula yooyootamo, waa shir aanu doonayo inay wax ka soo baxaan oo waxaas ka soo baxaana ay hir galaan oo ay socdaan oo ay dadka u noqdaan mustaqbal ay dadku higsadaan, waxaanu doonaynaa inaanu shirkaas ku casuuno xukuumad, xisbiga Kulmiye, golayaasha qaranka,aqoonyahanada, odoyaasha,haweenka, dhalinyarada iyo dadweyne kale oo badan.”

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa isaguna hore ugu dhawaaqay gudida dhankooda shirkaas abaabulkiisa uga qayb qaadanaysa, waxaanay xubnahaasi kala ahaayeen“Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Dr.Maxamed Cismaan Fadal, Xasan Xuseen Faarax(Codyare), Xildhibaan Baar Siciid,Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali(Rayte).”

Comments are closed.