Xaflad Lagaga Markhaati Kacay Wax Qabadka Hay’adda CARITAS Oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
3085

Picture2Hargeysa (Geeska) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa waxa Khamiistii doraad lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo lagu taageeray waxqabadka hay’adda caalamiga ah ee CARITAS dalka ka wado, si loo dhiirigaliyo hawl-wadeenada Muwaadiniinta ah ee hay’addaasi madaxda ka ah.

Munaasibadan oo uu ay soo qabanqaabiyeen xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, madaxa Hay’adda CARITAS ee Somaliland Marwo Nuura Cabdilaahi Magan iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin badhasaabada gobollada dalka qaarkood.

Bilowgii Xafladdan, ayaa waxa hadal kooban oo ku aadan waxqabadka hay’adda CARITAS dalka ka wado iyo masharaariicda ay Somaliland ka fulisay ilaa sanadkii 1995-kii oo ay shaqadeeda bilowday ka soo jeediyey Cabdi Aaden oo ka mid ah saraakiisha hay’adda, waxaanu tafaasiil dheeraad ka bixiyey waxqabadka hay’adda, waxaanu sheegay inay ka shaqeeyaan arimaha bulshada, sida waxbarashada, biyaha, nadaafada iyo waxyaabo kale oo badan.

Cabdi Aaden, oo sharaxaya baraagaha iyo ceelasha kale ee biyaha ee ay gobollada dalka ka hirgaliyeen ayaa yidhi “Waxanu markii u horreysay shaqada ka bilownay Gobolka Sool, waxyaabaha ugu waaweyn ee Hay’addani ka shaqaysana waxa ugu weyn baraagaha biyaha, annagoo Gobolka Maroodi-jeex ka dhisnay 456 berkadood, Gabiley 53, Togdheer 410, Oodweyne 276, Sool 5”

Cabdi Aaden, waxa kale oo uu sheegay “Waxanu dhisnay Ceelal aad u tiro badan, waxa kale oo aanu hirgelinay Kaabado biyaha qabta, iskuullo bandanna biyo ayaanu gelinay, waxa kale oo aanu qodnay ceelal biyo fadhiisin ah, waxa kale oo aanu dhisnay goobo caafimaad oo hooyooyinka iyo dhallaanka loogu talo galay, waxana aanu caan ku nahay tababarro aanu u samaynay macallimiin badan” ayuu yidhi, isagoo sidoo kalena tilmaamay inay ka shaqeeyaan nadaafada isla-markaana dad badan tababaro ku siiyeen fayadhowrka, sidoo kalena ay deegaano badan oo miyiga ah ka sameeyeen musqulo si nadaafadda dadka loo ilaaliyo.

Xasan Maxamed Cilmi, oo ka mid ah dadka ku nool deegaanada hoos taga Magaalada Oodweyne, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hay’adda CARITAS wax muuqda ka hirgalisay deegaankooda, isagoo halkaasi ka tilmaamay inuu Magaalada Hargeysa u iib keenay dalagga SINSINTA (Saliid Macsaro) oo uu sheegay inuu ku beeray biyaha ku jira ceelashii ay CARITAS deegaankooda u samaysay.

Munaasibaddan oo ka hadleen masuuliyiin badan oo hay’adda ku amaanay waxqabadka, ayaa waxa isaguna hadal kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay inay garab taagan yihiin hay’adda CARITAS “Ha Niyad Jabina, dacaayaduhuna way iska socdaan, annaguna waanu ku garab taaganahay, ciddii dalkeena wax u taraysana waa in la is garab taagaa”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal, waxaanu intaa ku daray “hay’addani waxay ka shaqeysay wixii aynu u baahnayn iyo daruuriyaadkii”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Anniga oo ah agaasimaha guud ee Wasaaradda dib u dejinta Somaliland, waxaan ka marag kacayaa waxa ay qabato hay’adda CARITAS”

Munaasibaddan oo ka hadleen Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo weliba badhasaabada Gobolada hay’addu ka shaqeyso oo ka markhaati kacay waxqabadka hay’adda, ayaa iyaduna waxa ka hadashay Madaxa Somaliland ee hay’adda CARITAS Marwo Nuura Cabdilaahi Magan, waxayna sheegtay in hay’adda CARITAS ay hay’addaha kale ka duwan tahay isla-markaana ay shacabka xidhiidh toos ah la leedahay “Waxaanu shaqaalaynay mujaahidiintii SNM, annagoo u qalabaynay xafiisyadoodii una dhisnay, waxaanu ka qayb qaadanay hubka dhigistii, waxaana aanu kor u qaadnay  waxbarashada Haweenka, waxa aanu gaadhnay meel ay adagtahay  in cidi gaadho, waxana aanu xidhiidh fiican la leenahay shacabka reer Somaliland”ayey tidhi waxayna intaa ku dartay “CARITAS waa hay’adda kaliya ee ku dhiiratay inay wasiirro Somaliland ah kaxayso oo ay waddamada Yurub geyso oo ay Switzerland u fadhiisiso oo qaddiyada Somaliland lagaga hadlo”

Ugu dambayn, waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo shahaado sharaf guddoonsiiyey Madaxa hay’adda CARITAS ee Somaliland Nuura Cabdilaahi Magan.